WAJAALE NEWS

Baadhitaan Hor Dhac Ah Oo Iftiimiyay Cidda Gaysatay Weerarkii Hotel Jasiira

Muqdisho(Wajaalenews) -Qaraxii ismiidaaminta ahaa ee  lagu Weeraray Hotel Jasiira ee Muqdisho ayaa wararka soo baxaya waxay sheegayaan inuu fuliyay Ruux Somali ah oo haysta dhalashada dalka Jarmalka oo degenaa Magaalada Bon.

Warar laga helayo ilo ku dhow hay’adaha Amniga Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Xaqiijinaya in ruuxa Weerarka fuliyay uu yahay Somali-Jarmal, balse aan magaciisa qofka aan weli la sheegin, inkastoo wali ay socdaan baadhitaanno arrintan la xidhiidha.

Khuburo Ajnabi ah oo ku Xeel-dheer baadhitaanka DNA-ga ayaa ka qaaday Goobta Qaraxu ka dhacay qaybo ka mid ah jidhka Ruuxa Weerarka is-miidaaminta ahaa fuliyay, si ay baadhis ugu sameeyaan.

Inkastoo Laamaha Amniga Dowladda Somalia aanay weli si Rasmi ah uga Hadlin Ruuxa Fuliyay Weerarka, ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo Al-shabaab isla shalay sheegatay in iyagu ay ka dambeeyeen Weerarkaas.

 

Sidoo kale, Weerarkii Hotel Jasiira ayaa ahaa mid aan horay uga dhicin Soomaaliya isagoo ahaa mid xoogan oo laga maqlay degmooyinka Gobolka Banaadir oo dhan, iyadoo burbur xooggan uu gaadhay dhismaha hoteelka.

Weerarka ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 20-qof oo ay ku jireen laba Suxufi oo Somali ah iyo Dublamaasi u dhashay Waddanka Shiinaha, iyadoo ay ku dhaawacmeen dad 30-qof ka badan.

Xarakada Al-shabaab ayaa sheegtay in Weerarka Hotel Jasiira uu ahaa mid ay ugu Aar-gudayeen dad ay sheegeen in ciidamada Itoobiya ee qayb ka ah howlgalka AMISOM ee Somalia ay ku laayeen Gobollada Bay iyo Bakool.

 

Exit mobile version