WAJAALE NEWS

Mid ka mid ah shirkadaha soo saara Filimada oo baahisay filim cusub oo dhamaystiran

filimsHargaysa(WJN):-Kumanaan qof ayaa internetka ka daawdey filim cusub oo si kama’ ah loogu baahiyay internetka, halkii la baahin lahaa goosgooska ama hordhaca filimka oo caadiyan ah dhawr daqiiqo.

Shirkadda Sony ayaa markii ay ogaatay qaladka dhacay ka tirtay shabakada Youtube, balse kadib markii uu 6 saacadood hawada ku jiray filimkan oo soo saaristiisa  ay ku baxday lacag aad u badan.

Filimkan ayaa lagu jilay magaalada Los Angeles ayaa waxa uu ku saabsanyahay nin la kireysto si uu dadka u dilo.

 

 

Maadaamaa uusan filimkan aad u gadmin, ayay dadka qaar isweeydiinayaan in sababta loo baahiyay ay ahayd mid ula kac ah si uu u gadmo.

Ma ahan markii koowaad oo ay Sonny samayso khaladkan oo kale, sanadkii 2014-kii ayay sidan oo kale u baahisay filimka he Amazing Spider-Man 2 oo ahaa mid ka caansan Khalid the Killer.

 

Hargeisa Office

Wajaalenews.net

Wariye Abdiqadir Habbane

 

Exit mobile version