WAJAALE NEWS

Xisbiga Kulmiye Oo Sharci Darro Ku Macneeyay Heshiiskii Ay Mucaaradka La Gaadheen, Sheegayna Inay Go’aankii Guurtida U Hogaansan Yihiin

Hargeysa(Wajaalenews) Xisbi Xaakimka Kulmiye ayaa madmadow galiyay heshiiska uu darafka ka ahaa ee Axsaabta iyo xukumaddu iskula qaateen in doorashada la qabto badhtamaha bisha December 2015-ka.

Heshiiska oo ay saxeexeen Gudoomiyaha Kulmiye Muuse Biixi iyo Madaxweyne xigeenka oo xukumadda meteleyay ayuu xisbiga Kulmiye ku macneeyay mid aan sharci ahayn, waxaanu tilmaamay in go’aanka guurtidu yahay mid dastuuri ah oo aanay cidna burin karrin.

“Heshiiska xisbiyadda iyo xukuumaddu wada gaadheen muu ahayn  heshiis dastuuri ah, balse wuxuu ahaa  heshiiskaasi is-faham siyaasadeed oo ay axsaabtu wad agaadheen.   Mana   burinayo go’aanka golaha guurtida ee mudada ay ugu kordhiyeen xukuumadda iyo golaha wakiilada go’aankaa aanu wadda gaadhnay xisbiyaddana waxa uu ahaa mid siyaasi ah.  Arrintaana  markii la doonayay in golaha guurtida in lagu qanciyo xisbiga Waddani  isagaa ka baxay heshiiska.  markaa heshiiskaasi  muu  ahayn mid dastuuri ah,  guurtiduna waa mid sharciya”ayuu yidhi Xasan Siciid, xoghayaha Kulmiye oo wargeyska Dawladda ee Dawan u waramay.

Xoghaye Xasan Siciid wuxuu intaasi ku daray inaanay aanay beesha caalamku burin karrin go’aanka guurtidu ka gaadhay muddo kordhinta  “Annagu (Somaliland) dastuur ayaan leenahay sharci ayaan leenahay. Xidhiidh iyo wada shaqayn way inaga dhaxaysaa beesha caalamka laakiin, ma farogalin karaan mana burin karaan wixii go’aamo ah ee aynu leenahay dawlad ahaan.”

Xoghayaha Guud ee Kulmiye waxa uu tilmaamay in Kulmiye ayidsan yahay go’aanka guurtida ee ah in doorashadu dhacdo March 2017-ka “Xisbi ahaana waanu   ixtiraamayaan go’aankii golaha guurtida.  go’aanka golaha guurtidana waa mid sharciya oo aan ixtiraamayno oo aan aqoonsanahay wax dhici doonaana ma jiraan deerona deero hirdiyi mayso waxaa mucaaradku sheegayaan sharcigana cidina kama wayna.”

Hadalkan ka soo yeedhay xoghayaha Kulmiye ayaa u muuqda mid ka marag kacaya aragtida mucaaradka ee ah in xukumadda iyo xisbigeedu ka baxeen heshiiskii ay la gaadheen ee ahaa in laga noqdo wakhtiga guurtida doorashana la qabto December 2016

 

Exit mobile version