WAJAALE NEWS

Xeer Ilaaliyihii Guud Ee Dalka Masar Oo Maanta Qarax Lagu Dilay.

Qaahira(Wajaalenews)- Wararka laga helayo magaalada Qaahira ee xarunta dalka Masar ayaa shaagaya in Xeer ilaaliyihii Guud ee wadanka Masar Hisham Barakat  lagu dilay qarax ka dhacay magaalada caasimadda ah Qaahira.

Xeer ilaaliyihii Guud ee wadanka Masar Hisham Barakat  ayaa qarax lala beegsaday isagoo maraya meel u dhaw kuliyad Boolis oo ku taala degmada Heliopolis ee magaalada Qaahira, kadib markii qarax xoogani haleelay gaadhigiisa.

https://youtu.be/6eo4xo4iXZE

Wasiirka caddaaladda Masaarida Ahmed al-Zind, ayaa  wakaaladda  AFP u xaqiijiyay geerida xeer ilaaliye Barakat oo qaraxa dabadii cisbitaalka loola cararay.

 

Hisham Barakat  ayaa dhowr jeer oo hore loo diray farriimo hanjabaad ah, iyadoo lagu eedaynayo xukunadda uu inta badan uu ku soo oogo dadka ka tirsan xarakada Ikhwaanu Muslimiinka Masar ,ma jirto cid sheegatay ama lagu eedeeyay qaraxaasi lagu diliy xeer ilaaliyaha guud.

 

Hisham Barakat ayaa xilkaasi loo magcaabay markii xukunka  laga tuuray madaxwayne Maxamed Mursi,  militariguna ay la wareegeen maamulka dalkaasi, wakhtigii  uu xilka hayay xeer ilaaliyaha Masar Hisham Barakat,waxaa uu xukumay kiisas badan oo la xidhiidha ururka akhwaanul muslimiin iyo dilalka lagu xukumay saraakiishii ururkaasi oo uu ka mid yahay madaxwaynihii hore Maxamed Mursi.

 

Exit mobile version