WAJAALE NEWS

War Naxdin leh: 4 Caruur Somali Ah Oo Ku Geeriyooday Magaalada Qaahira Ee Dalka Masar

Qaahira(Wajaalenews)- Waxaa ka imanaya magaalada Qaahira ee dalka Masar war naxdin badan kaasoo sheegaya in Afar caruur somali ah oo isku qoys ah iyo gabadh shaqaale u ahayd ay xalay ku geeriyoodeen kadib markii ay ku neef qabatimoobeen gaaska wax lagu karsado.

Caruurtaas ayaa la sheegayaa inay kala ahaayeen sedex Gabdhood iyo wiil isla dhashay iyo gabar shaqaale u ahayd caruurtaasi kuwaasoo xalay markii ay saaxanayeen iloobay inay gaaska iska xidhaan.

Hooyada dhashay Caruurtaan oo magaceeda lagu sheegay Saynab Axmed Maxamuud ayaa la sheegay inay ku nooshahay dalka Sweden halka aabaha dhalay caruurtaan uu isna hore ugu geeriyooday Magaalada Hargeysa.

Magacyada meydadka Caruuurta isla dhashay ayaa lagu kala magacaabi jirey Muna Mukhtar Xasan,Najma Mukhtar Xasan,Yusra Mukhtaar Xasan iyo C/fitaar Mukhtar Xasan.

Soomaali Qaahira ku sugan ayaa sheegay  inay tageen guriga mashaqadaani ka dhacday markii ay albaabka garaaceen ay waayeen wax ka fura laakiin markii la jebiyay ay gudaha ugu tageen meydadka shantaasi ruux ee Soomaaliya.

Exit mobile version