WAJAALE NEWS

Shirkada Socdaalka Ee Sahal Transport Oo Hargeisa Laga Furay Iyo Madaxwayne Ku Xigeenka Samaliland Cabdiraxman (Saylici) Oo Xadhiga Ka Jaray + Sawiro.

Hargeisa(Wajaalenews): Xaflada si heer sare loo soo agaasimaya ayaa lagu qabtay hoteel Green Plaza ee magaalada hargeisa xafladaasi oo xadhiga laga jarayay shirkada socdaalka ee SAHAL TRANSPORT waxaana ka soo qayb galay masulyyin kala duwan

ugu horayntiina waxaa furintaanka xafladaasi waxaa ka hadlay wasiirka ganacsiga mudane muuse qaasin waxaanu ka hadalay ahmiyada ay u leedahay shirkadan SAHAL TRANSPORT iyo hawsha wanaagsan ee ay qabanayso bulsho waynta reer somaliland.

waxaa isna warbixin ka bixiyay masuul ka socda shirkada SAHAL TRANSPORT oo layidhaa mukhtaar Cali Cusmaan waxaanu ugu horayn sharaxay sida ay shrikadu u shaqayndoonto isagoona ku dheeraday muhiimada ay u leedahay qarankan somaliland iyo waliba fursada shaqo abuuris ee ay u samaynayso dhalinyada reer somaliland waxaa kale oo uu sheegay inay inta ugu horaysa ka shaqayndoonto magaalooyinka hargeisa wajaale iyo boorama.

Intaa kadibna waxaa isna ka hadlay wasiirka Gaadiidka Iyo Hawlaha Guud Mudane Abdirisaaq Khaliif waxaanu ugu horayn uga mahad celiyay mudanasyaasha iyo masuliyiinta ka soo qayb galay ee uu ugu horeeyo madaxwayne ku xigeenka somaliland mudane cabdiraxmaan ( saylici ) intaa kadibna waxa uu sheegay inuu aad u soo dhawaynayo dhilinyada hirgalisay shirkadan cusub ee SAHAL TRANSPORT oo loogu talagalay isku socodka dadwaynaha.

Gabagabdii waxaa isna dhankiisa ka hadlay madaxwayne ku xigeenka jamuuriyada somaliland mudane cabdiraxmaan cabdilahi ismaacil (saylici) waxaanu sheegay inuu aad u soo dhawaynay shirkadan cusub ee SAHAL TRANSPORT iyo dhalinyarada suuro galinsay shirkadan iyo waliba sidii ay ugu adeegilahay bulshada ku dhaqan somaliland uguna fududayn lahayd hawlahooda socdaalka

Abdiqaadir Abdirahman Habane

Hargeisa Office

Wajaalenews.net

Exit mobile version