WAJAALE NEWS

Gaadiidkii komishanka Doorashooyinka Oo la Xaraashay Iyo Wasiir Samsam Walaalkeed Oo Qandraas Lagu Siiyey Inuu Dubai Uga Soo Iibiyo Baabuur Cusub.

Hargeysa,(Wajaalenews)-Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka ayaa nin ay walaalo yihiin wasiirka Maaliyadda Samsam Cabdi Aadan qandaraas ku siiyey inuu baabuur cusub Komishanka uga soo iibiyo magaalada Dubay ee dalka Imaaraatka ka dib markii dhawaan la xaraashay gaadiidkii horee ay haydaasi laheyd.Ninkan qandaraaska soo iibinta gaadiidka cusub ee Komishanka la siiyey oo ku magacdheer Xaajiga ayaa waxa uu ka midyahay shakhsiyaadka ay warbaahinta dalku baryahan dambe ku tilmaamaysay in qandaraasyada dawladda lagu naasnuujiyo.

Sida ilo xogogaal ahi ay Haatuf u sheegeen, noocyada iyo model -yada baabuurta ay Komishanku dalbadeen ayaa waxa laga wada heli kara macradyada gawaadhida lagu iibiyo ee dalka gudahiisa ka jira.

 

Dhinaca kale guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Cabdulqaadir Iimaan ayaa mar uu maalinti doraad Hargeysa kula hadlayey warbaahinta dalka, waxa uu mar kale ku fashilmay inuu iska baraxo eedo hore loogu soo jeediyey in hayada IOM iyo Komishanku ay si wada jir ah u musuqmaasuqeen lacag loogu talogalay barnaamij lagu wacyi galin lahaa codbixiyeyaasha ka hor intaan la bilaabin diiwaan galintooda.Mr Iimaan oo warbaahintu arintaasi wax ka weydiisay xili uu ku sugnaa guriga Shaqaalaha ayaa isagoo isku dayaya inuu iska leexiyo eedaasi waxa uu ku jawaabay ”Wacyi galin rasmi may aheyn,hadii laga tagi waayo waxa jirtay hayada IOM oo iyadu wacyigalin wadatay oo waliba wacyi galintaasi meel kale la maraysay oo ay noola yimaadeen ,markay noola yimaadeenna waxaanu aragnay in aanu meel wanaagsan ku jiheyno”.Laakiin guddoomiyaha Komishanku waxa uu ka gaabsaday inuu sheego lacagta mashruucaasi intay leekeyd ,sida loo isticmaalay iyo cidaha wax laga siiyey kuway kala ahaayeen.Hasa yeeshee siday warbaahintu hore u sheegtay, ilaa iyo hadda ma jirto hawl wacyi galin ama diiwaan galin ah oo meel ka mid ah gobolada dalka laga fuliyey.Waxase jirta in hayadda IOM iyo Komishanku ay kooxo madaxtooyada ku xidhan lacago ku siiyeen barnaamij wacyo galin ah oo aan la fulinin.

 

Source Haatuf

Exit mobile version