WAJAALE NEWS

Natiijada Doorashada Ethiopia Oo La Shaaciyay

Addis-ababa(Wajaalenews)-Natiijada rasmiga ah ee doorashada Itoobiya oo la shaaciyay ayaa muujinaysa inaanu mucaaradku wax kuraas ah ka helin kuraasta baarlamaanka. 547 kursi ee baarlamaaniga ah ayuu 500 helay xisbiga talada haya ee EPRDF, halka inta kalena ay heleen xisbiyo xulufo la ah isla xisbi xaakimka.

Doorashada oo la qabtay 24-kii bishii May waxaa  ku tartamay 52 xisbi iyo 9 qof oo si shakhsi ah isu sharaxay. Mucaaradka ayaa hore u sii shaaciyay dareen ah inaanay kuraas ka heli doonin baarlamaanka, iyagoo doorashada dhaliilay hanaanka loo qabtay.

Guddiga doorashada Ethiopia ayaa sheegay in 46 kursi ee kale ay ku guuleysteen xisbiyada jaalka la ah EPRDF kuwaasoo inta badan ka jira ismaamulada Soomaalida, Canfarta, Gambella iyo Binshanguul. Waxa uu gudigu intaa ku daray, in hal kursi oo laga doorto Ismaamulka Qoomiyadaha koonfureed aan wali la shaacin. Dadka siyaasada dalka lafagura ayaa filya in kursiga hadhay ee EPRDF ku guuleysan doonto.

Qaar ka mid ah asxaabta mucaaradka ayaa hore u sheegay in loo hanjabay dadkii u codayn lahaa mucaaradka islamarkaana aanay doorashadu ahayn mid xor iyo xalaal ah, sidaas darteedna aanay aqbali doonin, balse ay xaqooda hanaan nabadgalyo ku raadin doonaan.

Xukuumada iyo madaxda gollaha doorashada ayaa eedeynta mucaaradka diiday iyaga oo ka codsaday in la ilaaliyo shuruucda doorashada.

Guddida ku dhawaaqday doorashada Ethiopia ayaa ku dooday in doorashadu ahayd mid xor iyo xalaal ah oo si fiican u dhacday islamarkaana 93.2% ay codeeyeen dadkii isu diwaangaliyay doorashada.

Xisbiga talada haya ee EPRDF waxa uu dalkaasi maamulayay 24-kii sannadood ee u dambeeyay iyadoo doorashadana noqonaysa tii 5-aad. Dalka ayaa lagu tiriyaa inuu sameeyay horumar dhanka dhaqaalaha ah balse waxaa la dhaliilaa dimuqraadiyaddiisa.

Goobjoogeyaal ayaan inta badan ka qayb galin iyadoo kuw AU-da ka socday ku gaabsadeen in doorashadu si nabad ah u dhacday balse ay afka ka dhawrayn inay ahayd mid madax banaan oo si xor iyo xalaal ah u dhacday.

 

Exit mobile version