WAJAALE NEWS

Guddida Joogtada Ah Ee Wakiillada Oo Madaxda Maaliyadda Kala Hadlay Sixir Bararka iyo Saamaynta Dakhli Ee Collaadda Yemen

Hargeysa(Wajaalenews) Guddida joogtada ah ee aqalka wakiillada Somaliland, ayaa maanta kulan la qaatay madaxda wasaaradda maaliyadda Somaliland, kuwaasi oo ay kala hadleen xaaladda Sixir bararka dalka jira iyo saamaynta dhaqaalaha waddanka ay ku yeelatay collaadda Yemen ka aloosan.

Kulanka ayay masuuliyiinta maaliyadda oo ay hor kacaysay Wasiir Samsam Cabdi Aadan, waxay guddida ku siiyeen xogo ku saabsan hanaanka maaliyadda iyo kaalintooda wax ka qabashada qiimaha miciishada iyo doolarka ee sarreeya.

Guddoomiye xigeenka Guddida joogta ah Mudane Axmed Ducaale Bulaale, ayaa kulanka kadib saxaafadda u sharaxay arrimaha ay madaxda maaliyadda kala hadleen “Arrinta ugu mihiimsan ee wasaaradda maaliyadda madaxdeeda(Wasiirada,Agaasimaha iyo agaasime waaxeedyada) aanu ka wada hadalney laba qodob ayaa ugu  mihiim sanaa midi  waa arinta sixir bararka  waxaana ay naga siyeen war bixin wanaagsan, sida ay u wadaan qorshaha iyaga iyo baanka dhexe, waxaanay noo sheegeen inay baanka dhexe u daba fadhiyaan siduu hawshaa u maamulayo laakiin, wasaarad ahaan si fiican ula shaqaynayaan.

Arrinta labaad waxaa ay aheyd is bedelka ku yimid meelihii uu dakhligu ka soo bixi jirey sameynta ay nagu yeelatey war-war badan baa jirey dagaalka yemen ka socda oo  aanu badecadu badan geyn jirney dalkaasi taana sameynta ay ku yeelatey miisanyada ayaanu weydiiney runtii taana war bixin kooban ayey naga siiyeen.Saamayn way ku yeelatay xagga hoos u dhaca dakhliga laakiin, waxay noo sheegeen inay ilaa hadda miisaaniyaddu wanaagsan tahay kadib markii ay dedaal badan iyo gunti giijis badan sameeyeen, waxaanan isla qaadanay sidii looga wada shaqayn lahaa sixir bararka “ ayuu yidhi Xildhibaan Axmed Ducaale.

Wasiir Samsam Cabdi Aadan, ayaa iyana si kooban uga hadashay kulanku waxa uu daarnaa “Guddida joogtada ahi iyagaa noo yeedhay, waxaanu ka wada hadlaynay labadaas qodob ee Guddoomiyuhu sheegay oo iyaguna runtii ay arkeen in doolarkii hoos u dhacay iyo sidii aanu u sii wadi lahayn ee aanu u soo noqon lahayn. Markaa waxaanu isla garanay in guddida, baanka iyo anaguba aanan ka daba hadhin hawshaas” ayay tidhi Wasiir Samsam.

 

Wasiir Samsam Cabdi Aadan, waxay sheegtay in odoroska Miisaaniyadda oo ahaa in 20% ka soo xarooto xoolihii iyo badeecaddii u dhoofi jirtay Yemen ama ka soo degaysay meesha ka baxday balse hadda ay ka soo kabteen islamarkaana aanu jirin hoos u dhac dakhli oo la sheego.

 

 

Exit mobile version