WAJAALE NEWS

DAAWO;Taliyaha Asluubta Oo Ka Hadlay Sababta Keentay 86 Askari Oo Shaqada Laga Hakiyay iyo Kuwo La Ruqseeyay

Hargeysa(Wajaalenews) Taliyaha ciidanka Asluubta Somaliland, sarreeye guuto Maxamed Cismaan Xudhuun, ayaa sheegay inuu shaqada ka hakiyay 86 Askari oo 4 ka mid ah shaqada laga Eryay.

Askarta shaqada laga hakiyay iyo kuwa la ruqseeyay ayaa ahaa askar aan lahayn qoryo, kuwaasi oo hadda lagu amray inay soo qaataan qoryo haddii kalena aanay ka mid ahaanayn askarta.

Taliye Xudhuun, ayaa sheegay in askartaasi oo liiska magacyadooda dhawaan la soo dhejiyay markii amarkaasi la siiyay ay 4 askarta ka mid ahi abaabuleen 86 Askari kadibna Madaxtooyada iyo baarlamaanka u gudbiyeen cabasho ah inaanay soo helayn qoryo, sidaas darteedna shaqada laga eryay 4 tii abaabulka sameeyay.

“Afar askari waxaan ku eryay, askarigu dambi hadduu galo oo dambi qaran galo, oo loo naxariisto aan la gayn xabsi, waxa weeye shaqada ayaa laga fadhiisiyaa. 86 askari oo bilaa qori ah ayaanu soo dhejinayn, waxaanu nidhi muddo bil ah ku soo qaata qor yihiina, markaa 4-ta askari intay ciidankii abaabuleen ayay baarlamaanka iyo madaxtooyada geeyeen oo yidhaahdeen xeradii baa nalaga soo saaray, markii la waydiiyay sababta loo soo saarayna waxay yidhaahdeen qoryo keena ayaa nala yidhi, markaa askari wuxuu askari ku yahay qoriga ee qoryihiina doonta ayaa la yidhi. Kolkaa afartii 86 askari hor kacay waan ruqseeyay oo ishibiliin xumo ayaan u ruqseeyay oo maalinta dambena wax kale ayay samayne kuwa kale ha ku waano qaataan” ayuu yidhi Taliyaha Asluubtu.

Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in Askarta lagu xidhay shuruudda ah inay keensadaan qoryo ay iskood u leeyihiin hadda loo qaybiyay kuwo qoryo soo helay iyo kuwo mushaharkooda laga jarayo qori ay leeyihiin “Askartii bilaa qoriga ahayd 2 ayaanu u qaybinay, kuwii qoryaha keenay waanu u liis garaynay,kuwii aan qoriga keenina Lacagtiisa(Mushaharkiisa) ayaanu ka jaray oo nidhi qori baanu kuu iibinaynaa” ayuu yidhi Taliye Xudhuun.

Taliyaha ayaa la waydiiyay sababta loo qoray Askartan haddaanay marka horeba haysan qoryo ama dawladdu qoryo siin waxaanu ku jawaabay “Anigu xilka waxaan hayay muddo 3 bilood ah, sababta qori la’aan loogu qoray raggii hore(Taliyeyaashii hore) ayaydun waydiin”

Askarta Somaliland ayaa inta badan marka la qorayo ay shuruudu tahay in qofka Askari la qorayaa sito Qori uu leeyahay oo uu ku noqdo Askari ciidamada dawladda ka tirsan.

 

Exit mobile version