WAJAALE NEWS

DAAWO; Xildhibaan ka soo jeeda Gobolka Sanaag oo Si Kulul Uga Jawaabay Hadalo Kasoo Yeedhay faysal Cali Waraabe, fariin Adagna Udiray Shir Gudoonka Golaha Wakiilada .

“Aniga Baroon Ayaa laygu Doortay,baashena Boqol Dollar ayuu Golaha Ku yimid…….Xildhibaan Cabdiqaadir Xaamud Jaamac

Hargaysa(Wajaalenews)Xildhibaan Cabdiqaadir Xaamud  Jaamac oo ka mid Ah Xildhibaanada aqalka golaha wakiilada ayaa ka hadlay Safaro ay ugu baxeen Guddida daba galka Hantida oo sida uu tilmaamay Shirguddoonka golahu ka rebeen safarkaasi oo uu ku qornaa laguna Badalay Xildhibaano Aan Gudidooda ka tirsanayn.

Xildhibaanka ayaa cadeeyay in Sharcigii Loogu talo galay in Lagu dhaqmo ay burburiyeen Shirguddoonku,Xildhibaanadii Madax isku wada galiyeen,Khilaafna ka dhex abuureen,isaga oo isoo jeediyay in ay ka taliyaan maslaxada dadka iyo shacabka somaliland.

dhinaca kale waxa uu ka hadlay Faysal Cali Waraabe oo ku sheegay Guddoomiye ku xigenka golaha guurtida inaanu Somaliland ka talin,arinkaasna waxa uu ku macneeyay mid wax yeelo u gaysan kara dawlada-nimada somaliland waxaana uu yidhi.

“Shirguddoonka Halkaas Jooga Golaha wakiilada Xaraan Ayuu ku yimid,anaga oo ka nimid Guriga Madaxwaynahii Hore Somaliland ayaa cabdi waraabe yidhi geel cokan iyo geel oomaan ayaan u garnaqoo geelaas ooman ayaan waraabinayaaye ina riyaalow Liq sidaas ayuu ku qaatay cabdiraxmaan Ciro Sidaas ayuu ku yimid Mana yimadeen meesha taas waxaanu ka rabnay inuu cadaalad lagu maamulo  tiina waanu ka waynay oo cadaalada daro aad u baahsan ayaanu ka tirsanaynaa.

HALKAN KA DAAWO HOOSE WARKAASI OO DHAMAYSTIRAN;

 

Exit mobile version