Hargeysa(Wajaalenews)-Wasiirka Wasaarada Duulista Hawada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa, maalmihii u dambeeyay la sheegay in uu faraha la galey howshii Maayarka Caasimada Hargeysa oo wakhtigan socdaal ugu maqan dalka dibadiisa islamarkaana, qeybiyay baloogyo dhul ah oo kamid ah dhulkii kasoo hadhey xayndaabka Madaarka Caasimada Hargeysa ee loo yaqaan gaas(M),ee masalaha.
Waxaana la sheegay in howlawdeenada Agaasimayaasha ka ah Wasaarada duulista Hawada Somaliland,iyo maamulka madaarku ay isku badeleen
maalmahan u dambeeyay Agaasimayaashii Qorsheynta dhulka iyo
joomitarada D/hoose ee Caasimada Hargeysa, iyadoo ay halkaa ka baxdey awoodii Maamulka caasimadu kadib markii, xubno Wasiirada Madaxweynaha kasoo jeedaa ay u awood sheegteen Maayar kuxigeenka iyo Maamulka
D/hoose ha ugu horeeyo Wasiir Maxamuud Xaashi Cabdi,ilaa iyo hada
howshaasi waa mid socota oo qorshaheedu ka socdo Xarunta Wasaarada
Duulista Hawada Somaliland, ee kutaala nawaaxiga Madaarka Caasimada,
iyadoo dhulkani kamid yahay dhulkii ay deganaayeen dadkii ku ahaa
nawaaxiga madaarka ee uga guurey intii xaeyndaabka madaarku qabtey
taas, oo intii xayndaabka ka baxsaneyd ee dadka danayarta ahi
deganaayeen uu yahay dhulka uu qeybinayo Wasiisrka Duulista
Hawadu,wararku waxa ay intaa ku dareen in arintan ay Wasiirka ku
wehelinayaan xubno kamid ah Gudidii lakala direy ee Beesha Ciidagale
kuwaas oo Maxamuud Xaashi u howl fududeeyay Qorshahan uu ku qeybinayo
dhulkii danyarta,dhulkan oo ah dhul intiisa badani sharciyaysan yahay
oo D/hoose ee Caasimada Hargeysa sharciyaysay islamarkaana, uu hore
Madaxweyne Siilaanyo uga soo saarey Digreeto Madaxweyne.
Wararka kale ee Warbaahintu ka helay qorshahan cusub ee Wasiirka
Duulista Hawadu ku faragaliyay shaqadii Maayarka Caasimada,ayaa la
sheegay in ay qeyb ka yihiin shirar hoose oo Madaxtooyada ka bilaabma
kow iyo tobanka habeenimo wixii ka dambeeyay, shirarkaas oo ay inta
badan goob joog ka yihiin Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan
iyo Kan Duulistu islamarkaana,shakhsiyaadka kooban ee
dhaqdhadhaqaaqiisa la socdaa ku macneeyeen in ay ku saleysan yihiin
arimo dhinaca beesha Madaxweynaha iyo sidii looga faa,ideyasn lahaa
mudada kooban arimo badan oo dhulka la qeybinayaa qeyb ka yihiin.
WAJAALENEWS DESK
HARGAYSA SOMALILAND
EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM