WAJAALE NEWS

Nuxurka Kulan Maanta Dhexmaray Guddomiye Cirro Iyo Wafti Culus Oo Ka Socday Qaramada Midoobay

Hargeysa (Wajaalenews)-Guddoomiyaha golaha wakiilada Somaliland ahna Guddoomiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI C/raxmaan Cirro, ayaa maanta kulan kula yeeshay xafiiska guud magaalada Hargeysa wafti culus oo ka socday Qaramada midoobay qabteeda xuquuqal insaanka ,waftigan oo ka koobnaa saddex xubnood oo uu horgacayey khabiirka qaramada midoobay u qaabilsan xaaladdaha xuquuq aadamaha ee somaliland iyo somalia) Mr Bahame Tom Nyandunga,ugu horayn waxay ka wada hadleen xaalada guud ee dalka Somaliland iyo ta hadda uu marayo,isagoo gudoomiye cirro si qoto dheer uga waramay xaalada guud Somaliland

Waxa kale oo ay ka wada hadleen waftigan qaramada midoobay iyo gudoomiye Cirro arimaha doorashooyinka Somaliland iyo wada haddalada u socda xukuumadda iyo asxaabta mucaaradka ah ee lagu xalinayo khilaafkii ka dhashay mudo kordhintii Golaha guurtidu u sameeyeen xukuumdda iyo golaha wakilada Somaliland,waxaanay sheegeen waftiga Qaramada midoobay in ay tageersanyihiin wada xaajoodka xukuumadda iyo mucaaradka u socda rajo ka qabaan in heshiis waara laga gaadhidoono,iyagoo ku aamanay somaliland sida fiican ee ay u dhamayso khilaafaadka dhexdeed ka abuurma,waxa kale oo ay ka wada haddleen waftiga qaramada midoobay iyo guddoomiye cirro mudo kordhinta golaha golaha guuridu u sameeyeen xukuumadda iyo golah wakiilada somaliland sharci nimadeed .

Dhanka kale waxa si weyn uga wada haddleen awdooda ay komishanka doorashooyinka u leeyihiin inay doorashada 1 june 2016 dalka ka qaban karaayaan iyo in kale, guddoomiye cirro ayaa u sheegay waftiga in gudiga doorashooyinka Qaranku ay 1 june 2016 ka qaban karayaan dalka doorashooyinka madaxtooyada iyo wakiilada , iyagoo ay waftiguna soo dhaweyeen.

Waftigan madaxa bannaan ee qaramada midoobay u qaabilsan xuquuq aadamaha somaliland iyo somaliya ee uu hogaaminayo Mr Bahame Tom Nyandunga ayaa waxa kale oo ay guddoomiye cirro ka wada haddleen sida ay Xukuumaddu meesha uga saartay dimuqraadiyaddii Somaliland iyo inaanay ixtiraamin dastuurka dalka iyo cawaaqib xumada ka dhalan karta, iyo weliba sida khaldan ee ay xukuumadda siilaanyo u adeegsato ciidamada booliska iyo dhibaatada kala duwan ee shacabka ka soo gaadhay ,guddoomiye cirro ayaa sheegay in aan ciidanku denbi lahayn isla markaana uu u hayo ixtiraam iyo sharaf, balse ay xukuumadda siilaanyo si khaldan u adeegsato mararka qaarkood oo ay hagar daamooyin ka soo gaadhaan shacabka, waxa kale oo ay isla soo qaadeen arimaha cadaalada iyo guddoomiyihii hore ee maxakamada sare ee la eryay Yusuf Ismaaciil, waxaanu sheegay gudoomiye cirro in aan shacabka Somaliland iyo xisbiyada mucaaradka ahi in ku kal soonayn maxakamadaha dalka ilaa maxakamad sare

Mudaharaadiid Xisbiga WADDANI

 

Guddoomiye Cirro iyo waftigan madaxa-bannaan ee qaramada midoobay u qaabilsan arimaha xuuqal insaanka Somaliland iyo somaliya, ayaa ka waraystay guddoomiye cirro mudaharadadii uu xisbiga WADDANI dalka ka dhigay ee uu ku diidanaa mudo kordhinta ay golaha guurtidu u samayeen xukuumadda wuxuuna sheegay Guddoomiye Cirro in dhammbaa masuuliyiintii gobolada ee Xisbiga WADDANI xabsida loo taxaabay in xarunta guud ee xisbiga ciidan la wareegeen, isla markaana la xidh xidhay masuuliyiinta xisbiga ugu sareeya qaarkood iyo tageerayaashii xisbiga oo iyana xabsida loo taxaabay.

Guddoomiye Cirro ayaa waftiga uga waramay Xisbiga uu hoggaamiye WADDANI iyo kootooyinka uu hawaanka la siiyey xisbiga WADDANI , Inuu waddani ogolyahay %20 xukuumadda iyo guurtida iyo xildhibaanada Wakiilada la siiyo haweenka,isagoo sheegya in xisbiga waddani %30 ka siiyey haweenka dhamaan qaybaha kala duwan ee xisbiga waddani,wuxuna u sheegay waftigan in la dhisay garabada haweenka iyo dhalinyarada ee xisbiga waddani

Gebagebadii waxay guddoomiye Cirro iyo Mr Bahame Tom Nyandunga xaladaha gobolada Sool Sanaag Iyo arimaha beelaha gabooye,kulanka oo ay guddoomye cirro ku wehelinayeen Xoghayaha War-faafinta Xisbiga WADDANI mujaahid Boobe iyo Dr Maxamed Cismaan Fadal ayaa ku soo gebogeboo jawi is afgarad.

Exit mobile version