WAJAALE NEWS

Muwaadin U Geeriyooday Laydh Qabsaday Oo Sedex Cisho Maydkiisu Yaalo Cisbitaalka Guud Hargaysa. iyo Ehelada Marxuumka Oo Baaq Udiray Xukuumada .

HARGAYSA(Wajaalenews) ALLE Ha Unariistee Waxaa Sedex Cisho ka Hor Uu Laydh ku dhex qabsaday Badhtamaha Magaalada Hargaysa Marxuum  IBRAAHIM AW MAXAMED XASAN oo ahaa muwaadin reer somaliland ah Dadiisuna ahayd 32jir Una geeriyooday laydhkaasi qabsaday

Hadaba ehelada marxuumkan ayaa shabakada wararka ee wajaalenews u sheegeen in sobobta marxuumka loo aasi waayay ay tahay kadib markii shirkada laydhka qabsaday Marxuumka oo lagu magacaabo KAAH ELECTRIC Wali laga laaya ay qaadashada masuuliyada iyo khasaaraha nafeed ee  uu gaystay laydhkoodu’

Eheleda marxuumka ayaa waxa kale oo ay noo sheegeen in ay arintan u gudbiyeen wasaarada Arimaha Gudaha qaybteeda Abniga Jananka Ciidanka booliska ,Laanta Danbi Baadhista Iyo Cidkasta Oo ay khusaysay Arintani’

Iyagoo sheegay in aanay Aasi doonin ilaa arinkiisa la cadeeyo

Waxa kale oo ay baaq udireen xukuumada somaliland in ay Deg Dega  Wax uga qabato arintan  taasi oo Hadii ay wax ka qaban waydo  sobobi karta Abni Daro Wixii ka yimaadana ay masuuliyadeeda qaadi doonaan Hayadaha shaqada ku leh

Guud ahaan somaliland ayaa dhamaan shirkadaha  bixiyada adeega laydhka ay xadhkahoodu daadsan yihiin suuqdaya dhexdooda kuwaasi oo marwalba galaafta qaarkamida bulshada somaliland  iyadoo ay xukuumaduna waxtalaabo ah ka qaadin , kana ufikirin sidii aafada laydhka looga badbaadin lahaa dadwayanaha.

MAGACYADA ODOYAASHA;

CHIEF CAAQIL DAYIB CABDI CIIDLE

CAAQIL MUUSE CIISE XIRSI

CAAQIL MAXAMED CABDI QAWDHAN

ODAY CUMAR

 

 

WAJAALENEWS DESK

HARGAYSA SOMALILAND

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

Exit mobile version