WAR-SAXAAFADEED
Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu digreeto madaxweyne oo sumadeedu tahay JSL/M/XERM/249-3319/052015 uu ku magacaabay Gudoomiyaha Maxkamada sare iyo safiirka Somaliland u fadhiya dalka Ethiopia.
Madaxweynuhu:-
Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Arkay: Qodobka 97aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Arkay: Qodobka 101aad iyo 105aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Tixgeliyey: Talada iyo soo jeedinta Guddida Cadaaladda;
Markuu Aqoonsaday: Baahida weyn ee loo qabo buuxinta jagada Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Qaranka;
Markuu ku Qancay: Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;
Markuu Isku Qanciyey: In uu hanan karo xilka Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Qaranka;
Wuxuu Go’aansaday
In Mudane, Aadan Xaaji Cali Axmed, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.
MAGACAABIDA WAKIILKA JAMHUURIYADDA SOMALILAND U FADHIYA DALKA ITOOBYA
Madaxweynuhu:-
Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad, Xarafka (r) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda Wakiiladda Somaliland u fadhiya dalalka dibaddu u leeyihiin dhismaha Qaranka;
Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagada Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya Dalka Itoobya;
Markuu Ka Fiirsaday: Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;
Markuu Ku Qancay: In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;
Wuxuu go’aansaday
In Mudane, Maxamuud Aaden Jaamac Galaal, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya Dalka Itoobya.
ALLAA MAHAD LEH
Naasir Yuusuf Daahir
Xoghayaha gaarka ah ee Xafiiska Saxaafada Madaxtooyada JSL,
ahna ku simaha af-hayeenka Madaxtooyada JSL.