Waxaan arkayaa xumaan
Albaabada loo furoo
Waxaa iridooda gala
Inkaarta ninaan ka biqin
Ayaanba ninbuu dagaa
Aduunka ragbaa ku nool
Amaanta laga gatoo
Dhaliilaha kaa astura
Garsoorkaa lagu aaminaa
Xilkaa lagu ababiyaa
Gudoonka isagaa noqdoo
Awooda warbuu ku helay
Abaalbaa lagu leeyahoo
Runtaa lagu awdayaa
Iyadoo cabashada Dadwaynaha ee ku jihaysan Garsoorka iyo Bahda Cadaaladu ay xad dhaaf tahay waxa isha is gaara loogu hayay jidka uu Madaxawayne Siiraanyo u maridoono Magacaabista Gudoomiyaha Maxkamada Sare oo Tiir Udub dhaxaad ah oo taaba galin karta Garsoor madaxbanaan iyo Cadaaalad ka tisqaada dhamaan Bahda Garsoorka S/land
Iyadoo maanta Madaxwayne Siiraanyo u Magacaabay Gudoomiyaha Maxkamada Sare M/ Aadan Xaaji Cali oo hore u ahaa Macalin Sharciga ka dhiga Jaamacada Hargaysa marna Gudoomiye ka soo noqday Ururada Bulshada ee aan Dawliga ahayn
Waxase is waydiin mudan Jidkuu u maray Madaxwayne Siiraanyo Magacaabista Gudoomiyaha Maxkamda
Ma yahayse Masuulkan loo Magacaabay Gudoomiyaha Maxkamda Sare nin waayo araga oo ka soo shaqeeyay Garsoorka Dalka
Hadii aynu Su,aalaha si qoto dheer uga jawaabno waxaa hubaala in Madaxwayne Siiraanyo marin jidkii xulashada ugu haboonaa waxana durba isa soo daraya dhaliilaha ka muuqda Jidkaa Madaxwayne Siiraanyo kusoo magaacabay Gudoomiyaha Maxkamada Sare iyadoo lagu dhaliillayo inaanu masuulkan loo magacaabay ka mid ahaan jirin balse uu ahaa Macalin Jaamacda Sharciga ka dhiga sidoo kale Mudane Aadan Xaaji Cali waxuu Gudoomiye kasoo noqday Ururo ay ku Midoobaeen Ururada aan Dawliga ahayn oo Sonsaf ,Aadan Xaaji Cali
Waxaana la tilmaamayaa in magaabistiisu Siyaasadaysan tahay ayna sobotay Xidhiihka dhaw ee ka dhaxeeya Waqtigan Marwada Koowaad iyo Mulkiilaha Telefishanka Horn CABLE oo ay Walaalo yihiin Aadan Xaaji Cali Masuulkan Cusub ee Maxkamada Sare loo Magacaabay waxay Dadka Siyaasada u kuur galaa Saadilinayaan in Magacaabista Aadan ay Adkayn doonto heshiisyada dhex maray Mulkiilaha Xarun Warbaahineed iyo Marwada koowaad ee Qaranka Aamina Sheekh Maxamad Jirde
Sidoo kale waxay Saadaaliyeen Dadka Arimaha Garsoorka u kuur galaa in M/ AADAN X CALI ku hafan doono Xilkan Culus ee loo Magacaabay maadaama aanu ahayn nin waayo araga ah oo ku soo dhex jiray Garsoorka Dalka oo aanu hanan karin Masuuliyada Waaxda Sadexaad ee Dastuuriga ah
WAJAALENEWS DESK
HARGAYSA OFFICE
EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM