WAJAALE NEWS

“Guurtidu Xukuumada Iyo Anigaba Way Noo Wada Kordhisay.”Maxamed Cali

Maxamed Cali Sheekh Cumar oo ah muwaadinkii imika ka hor balan qaaday in aanu timaha xiirin mudada 5 ta sano ah ee uu xilka hayo XUSBIGA KULMIYE ee uu gadh wadeenka ka yahay madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa isagoo go’aankaa hore u gaadhay ayaa waxaa dhacday in maanta ay golaha guurtidu ay samaysay mudo kordhin taasoo ah sanad iyo 10 bilood noqonaysa wax ka baxsan mudadii la doortay Maxamed Cali Ayaa  Shabakada wararka ee Wajaalenews uu u sheegay mar aanu waydiinay waxa uu ka yeelayo go’aankan cusub ee ay guurtidu soo saartay. Ayaa waxa uu noo sheegay in ay guurtidu u wada kordhisay labadoodaba isaga iyo xukumadaba oo uu isaguna sii wadi doono mudaharaadkiisa ka dhanka ah xukumada maanta haysata isagoo sidoo kale sheegay in marka ay gaadho wakhtigii dhabta ahaa ee ay kaga buuxsanto shanta sano uu qaban doono xaflada muda kordhinta ee uu ku sii wadi doono mudaharaadkan salmiga ah. Maxamed Cali waa muwaadin la yimid wax ku cusub dalka iyo madaqadan aynu deganahay.

maxamed cali sheekh cumar ayaa ah muwaadin si way u saluugay hogaaminta kulmiye islamarkaana sameeyay mudaraad aan xukumada ciidamo u adeegsan karin kuna ah diidmo ku suntan xiligan ay xilka hayaan ilaa dhamaadka mudo xileedka siilaanyo.

 

Exit mobile version