WAJAALE NEWS

Gudaha ka Akhri; Maansada “SALDHIGII AQOONTA; Abwaan Sacad X,Maxamuud Gadhle

HARGAYSA(Wajaalenews)Maansadan waxaa curiyay Abwaan Sacad Maxamuud Gadhle Maansadan oo Abwaanku ugu magacdaray SALDHIGII AQOONTA Waa Maanso Wacdi iyo Waano ugu filan dhamaan wariyayaasha ka hawlan Shaqada  Warbaahinta Waa Maanso uu ku suureeyay  si saxana u  tilmaami doonta Suxufiga  waajibaadkiisa u guta si Xilkasnimo ah oo dareen Wadaniyadeed ka muuqato.

Sidoo kale Abwaanku waxuu Suxufiga ama Wariyaha uga digayaa Wax kasta oo Dhaawacaya Sharafta iyo Milgaha Saxaafada isagoo Abwaanku Midhaha Maansadan ku tilmaami doono kaalinta u Bulshada kaga jiro Suxufigu

Goodow suugaantii

Todobaatan iyo sadexdii

Haldoorkii sameeyee

Weedhaheeda soo simay

Maan galin safkoodii

Sabibaan ahaayoo

Sanqadhii baxaysiyo

Waayaha lamaan socon

Saakana xus wayniyo

Sanad guuro wacanbaan

Uga dhigay silsiladaas

subcintayda maansadu

waano weeyi soocoo

wariyahay ku socotoo

Saxaafada dhamaanteed

Salaanbaan u dirayaa

Marka xiga siciidoow

Cadaaladu siday tidhi

lama kala sareeyee

Suuradiisa aadmiga

Sadarada aqoontaa

lagu kala suntaayoo

lagu kala sifeeyaa

Ma ogtahay siciidow

Saxaafadii in ay tahay

Saldhigii aqoontoo

Qalinkuna sir leeyahay

 

Ma ogtahay siciidow

Runtu inay sad wayntahay

Saxan saxo udgoon tahay

warka subag u yeeshoo

Sixin iyo baruur tahay

Suuqgayna noqotoo

Sumcadoodu badatoo

 

Ma ogtahay siciidoow

Suxufigii hogaansami

Sabaduu ku nool yahay

Saamayn ku leeyahay

Cadaaladiyo sinaantiyo

Samahana ka talin karo

Nabadana ku sugi karo

Ma ogtahay siciidoow

Suxufigii hogaansami

Sooma jeeste weeyoo

Sahanbuu galaayoo

Warar sugan ku keenoo

Saadaasha gaarka ah

Suuraynta faalada

Sobobaynta kama tago

Ma ogtahay siciidow

In sagaashan qodoboo

Warbaahinta u seessoo

Salka loo goglaa jiro

Saajinkii qoraalkow

Yuu kula sabaynine

Suuryo weeyi adagee

Soonkooga haba lagalin

Suubanaanta dhaqankana

Soohdintooda dhawrooo

Sodohaha ha faalayn

Inkastoon sabool nahay

Waajibaa ku saarane

Haku raadin sooryoo

Sii jeedka haku tabin

Ha ka suulin garashada

Dulmigana ha saacidin

Ha ku galin dirsooc iyo

Safashada qabiilkiyo

Sunta qaranka dumisiyo

Silbashada habawgiyo

Ka ilaali silitada

Saxaafadu xorweeyoo

Ma taqaan safaadkee

Sinji lagu amaaniyo

Suubintaa u daranoo

Wariyuhu  silooniyo

Sahwibuu ka qaadaa

Colaadaha sokeeyaha

Ha u qaadan soofoo

Ha ku saydhin wararoo

Boogaha ha sii sarin

Salaadiinta talisana

Dhaqankay sidaanoo

Xurmo aada siiyee

Ka ilaali saxarkoo

Sadbursiiyo kula dhaqan

Mar mar bay siqaano

Hadal aan saluugiyo

ku arkaa sitaatkee

Sibiq wixii ku dhaafana

Sajilaada haku darin

Saacadaha qoraalkana

Hala seexan garashada

Siidhiga afuufoo

Wacyi galinta siidaa

Sixirada isdhaaafiyo

Sarif bararka faalee

Ka warayso sarif laha

Siyaasada warkeeduna

Saaxad weeyi daranoo

Saxmad iyo wareer lee

Balamihii  siyaasigu

Salaankani kusoo koray

Su,aalaha kawaydii

Sabaaluhu ma fiicee

Sacabada ha hoos dhigan

Sarbi lagu uleeyiyo

Seef laga cabsoodaba

Saxaafada ka dhiganee

Haka baqo siyaasigu

Sartu halkay ka qudhuntiyo

Musuqana hasaamixin

Xididada u saaroo

Hala seegin goobaha

Dhaliiluhu sinmeenoo

Subaxdii timaadana

Sanqashada masuulada

Sanco weeyi cusuboo

Suqduudkuu maraayiyo

Saadkuu ishaaree

ku sar tabinta waligaa

Barnaamijkaad samaysaa

Suuradaha quraankiyo

Sunahana ha waafaqo

Caalimkuna hakaa saxo

Safiirada caadaankee

Samafalka ku magac dheer

Deeqbay sidaanoo

Dadwaynaha silcaayay

Sawirada ka qaataan

Sanduuqoogan buuxee

Suuldhabaale madhaniyo

Siminaaro lagu cuno

Soodhka soo faqaayee

sandulaha wax qabadkaah

sanka kaga tolaayaan

horta suxufi waa adi

ha sagsaaagin weedhaha

ku sargoo halhaystayada

waa saaf afbadanee

yuu saawir kaa noqon

 

 

MURTIDII IYO MIDHIHII ABWAAN SACAD XAAJI MAXAMUUD GADHLE.

Exit mobile version