WAJAALE NEWS

DAAWO;Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland iyo Wafti Uu Hogaaminayo Oo Boorama Lagu Soo Dhaweeyay

Boorama(Wajaalenews)Wafti balaadhan oo uu hor kacayo madaxwayene xigeenka Somaliland mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil ayaa maanta soo gaadhay gobolka Awdal isagoona ka soo kicitimay caasimada jamuuriyada Somaliland ee Hargaisa.

Waftigan uu hogaaminayay madaxwayne xigeenka Somaliland mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici , waxa ka mid ahaa wasiirka wasaarada xidhiidhka golayaasha qaranka tecnolojiyada iyo cilmi baadhista mudane Cali Xaamud Jibriil, Gudoomiyaha hayada shaqaaalaha , Pro, Maxamed Mixile Boqore, Wasiir ku xigeenka wasaarada waxbarashada, wasiir ku xigeenka wasaarada caafimaadka , Xasan Daahir Dhimbiil, Agaasimaha guud ee wasaarada qorshaynta Cabdirashiid Axmed Sumal, Ag gaasimaha guud ee wasaarada macdanta iyo tamarta mudane Siciid Axmed Jibriil xildhibaano ka tirsan golayaasha qaranka iyo saraakiil kale.

 

Exit mobile version