WAJAALE NEWS

Daawo: Tartanka Oohinta Carruurta Dalka Japan Ee Naki Zuma Kaas Oo Ilmaha Ugu Jaqaaq Laynta Dheeraada Abaal Marin Lacageed Waalidkii La Siiyo

Yokohama, (Wajaalenews):- Waxa dalka Japan sanad walba lagu qabtaa, bandhig dhaqameed 400 sanadood ee ugu danbeeyay laga qaban jiray, kaas oo lagu magacaabo, Naki Zuma ahna mid carruurta lagu tartansiiyo oohinta iyo qayladooda.

Tartankan oo ka dhaca ama lagu qabto, macbadka Kamitori ee magaalada Yokohama, waxa carruurta ka oohiya niman xoog waaweyn oo legdinta ciyaara, kuwaas oo argagax ku rida ilmaha si oohin uu u sameeyo, waxa ilmaha ku guulaysta waalidkii la siiyaa abaal marin lacageed oo dhan boqol iyo sideed dollar $108, waxaana aalaba xuskan la qabtaa, maalinta carruurta reer Japan.

https://youtu.be/BLbPjf37VIM

Hargeisa office
Wajaalenews.net
Wariye Abdiqadir Habane

Exit mobile version