WAJAALE NEWS

Xisbiga Waddani Oo Si Adag u Dhaliilay Shirkad Baadhista Tayada Gaadiidka

Hargeysa:(Wajaalenews)-Dhaleecayn Kulul ayey Xisbiga Waddani Maanta dusha ka saareen Hay’ad xukuumaddu dhawaan ka aasaastay Dekedda Berbera oo loogu talo galay inay Fatishto gaadiidka Dekedda kasoo degaya.

War saxaafadda loogu talo galay oo Xoghayaha warfaafinta Xisbiga Waddani Mujaahi Cabdiraxmaan Yuusuf Ducaale(Boobe) akhriyey, ayaa lagu sheegay in Tallaabada la doonayo in dalka lagaga abuuro shirkadaas baadhitaanka ku samaynaysa Gaadiidka soo degayaa aanay ahayn mid dada iyo danta dani ugu jirto.

Mudane Boobe waxa uu tilmaamay in mashruucani yahay dabin xukuumaddu ku boobayso Hantida umadda, isla-markaana aanu mashruucan la tallaabsanaynin waaqiciyadda waddanka ka jirta,

“ waxanu ka Hadlaynaa mashruucan dabinka noqday ee u eg ibaarooyinkii ee la yidhi waxa lagu ilaalinayaa tayada gaadiidka. Xukuumaddeenana fadhiidka ahi ta ay keentaaba tii kale ka daran, indhaheena qaawanna waa ku aragnaa inaanay baabuurta dalka timaadda iyo ta socotaa midna ahayn, albaabada waddada xigga ee basaska ayaa markhaati cad u ah, isteerinka dhinaca gurracan ku yaalla ayaa markhaati kale ah.” Ayuu yidhi Boobe Yuusuf Ducaale.

Mujaahid Boobe oo Hadalkiisa sii wata ayaa Bayaamiyey in mashruucani yahay mid gebi ahaanba Baalmarsan shuruucda waddanka, isla-markaana Hay’adda loo xidhay tahay mid aanay Hay’adihii ku shaqada lahaa lasoo marinin, waxana uu xusay in loo xidhay dad miirta dhiigga danyarta, waxana uu yidhi,

“ tuhunku meel kale kama imanine xukuumadeena danteed-raac iyo danteed ma og mishiino iyo pakistaaniyiin ayey usoo kiraysatay si ay u imtixaanto tayada baabuurta soo degta oo ay u qaaddo $80-dollar oo aan geedna loogu soo gabban, Hay’adda xilkan gudanaysaa ma binaysna oo sharci ay ku dhisan tahay ma jirto, golaha wakiillada ma ay soo marin, dhismaheeda lama naadin oo tartan xalaal ah looma gelin. Goor madow ayaa meel madow lagu bixiyey, waxana loo malaynayaa in loo xidhay dad loo roon yahay oo lagu naasnaajiyo dheecaanka Wadhatada.”

Waxa uu Boobe ku Yidhi Warsaxaafadeedkiisan in gaadiidka dhulka jooga tayadiisa ay ugu liidato in gacanta Dawladda ku jirtaa, isla-markaana cidda Baahida ugu weyn ee Gaadiidka la marinayaa tahay inta Dawladdu leedahay, waxana uu yidhi,

“Baabuurta dalka ka Hawlgashaa ha wada liidatee waxa aan muran ku jirin inay ugu liidado inta xukuumaddu wadataa oo mararka ay ku agmarayaan aad mooddo in kooxdii Durdur ay agtaada ka tumayso.

Waxa uu taxay Mujaahid Boobe Yuusuf Ducaale, Xoghayaha Warfaafinta Xisbiga Waddani dhammaanba qiimayaasha muddadii xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo jirey sida joogtada ah loogu kordhinayey         Gaadiidka waddanka imanaya oo ka badan qiimaha lagu cashuuri jirey xilliga Dawladihii hore, waxana uu yidhi,

 

“Bal eega Korodhsiimooyinkan aan Garawshiiyaha lahayn eega, 2010-kii ka hor baabuurka toyotaha waxa lagu cashuuri jirey $1400, maantana waa $ 3400. Markii waxa uu ahaa $750, maantana waa $1550, Zuzuki waxa uu ahaa $950, maantana waa$950. Haddana Guuleed waa Warramayaa Guulna waa Akhriyayaa.”

 

 

Exit mobile version