WAJAALE NEWS

Wasiirka Khaarajiga Somaliland oo ka Hadlay Arinta Dekeda Berbara

Hargeysa(Wajaalenews)Wasiirka Arrimaha dibada Somaliland, Maxamed Biixi Yoonis, ayaa sheegay in Xukumaddu ka baaraan degayso wareejinta Dekedda Berbera. Waxa uu meesha ka saaray in si sahlan oo la wareejiyo dekedda, isagoo ku dooday in Xukumaddu bulshada u soo bandhigayso qorshaha lagu wareejinayo.

Wasiirka oo dalka ku soo laabtay ayaa arrintan ku tilmaamay mid aan la dhayalsan doonin “Horta wararkaas la isla dhaafayo wax ka jiraa ma jiraan.Deked la iibinayaana ma jirto. Berbera sidii hore loo yidhi wax go lagu qaado ka wayn, Masuuliyad baa ka saaran Dawladda Somaliland in dekeddaas la balaadhiyo, in maalgashi la galiyo” ayuu yidhi Wasiirku.

Wasiirku waxa uu ku dooday inaan si sahlan loo wareejin doonin Dekedda “Waxaa naga go’an inaanu aad uga fiirsanno oo dadka u soo bandhigno, markaa dekeddaasi waa deked aad iyo aad muhiim ugu ah Umadda Somaliland qof laga iibinayaana ma jiro, waxaanu ku talo jiraa inaanu Maalgalin fiican u raadino oo dadka u soo bandhigno, Khubaro la tashano markaas wax la iibinayaa ma jiro ee waa iska dacaayado raqiis ah”

Wasiirka ayaa sidoo kale ka hadlay dareenka beesha caalamku ka bixisay Xukunnada Dilka ah ee Xukumadda Somaliland fulisay 13-kii bishan, waxaanu sheegay inuu yahay go’aan umadda Somaliland ku faraxday fulintiisa cid kalena aan laga dhegaysanayn go’aamada Somaliland.

“Beesha Caalamka waanu u sharaxnay in arrinkaasi yahay mid khuseeye Umadda Somaliland. Dawlad madax banaan baanu nahay, cidna nooma yeedhin karto waxaanu samaynayno, wax xaq ah oo caddaaladda ku salaysan oo sharciga ku salaysan oo Islaamnimadu ku jirto ayaanu samaynay” ayuu yidhi Wasiir Biixi

 

Exit mobile version