WAJAALE NEWS

Wasiirada Maaliyada Oo Mudo Bil Gudaheeda Kormeerkii Sedexdaad Ku Tagtay Kastamada Abaarso Iyo Kalabaydh.+Dareenada Ku Xeeran

Wasiirka maaliyada oo xiliyo ku cusub kormeerka dalka  ku tagtay kastmada abaarso iyo kala baydh

GABILEY(Wajaalenews) Wasiirka wasaarada maaliyada marwo samsam cabdi aadan ayaa kormeerkii sedexaad mudo bil gudaheeda ku tagtay kastamada abaarso iyo kalabaydh kormerka ay joogtaysay wasiir samsam ayaa ah kuwo aan hore loogu arag wasiiradii ka horeeyay ee wasaarada soo maray oo dhamaan tood rag ahaa

Marka laga eego xiliga ay kormeerka samayso oo ah xili habeenimo ah

 

wararka aanu ka helayno dad goobjoog ahaa xiligan ay wasiiradu kormeerka samaysay ayaa noo xaqiijiyay in ay 23 bishan  canbaaro 1kowdii habeenimo ay kastamka kalabaydh ka dhextoostay xiligaa oo ay kastamka ka socotay shaqadiisii caadiga ahayd mar kaliya lagu war helay wasiiradii ay weheliyaan  dirawalkeeda  iyo laba askari oo istaafa, iyo hal qof oo dumara

Kormeerkan ayaa layaab ku noqday  ganacsatada jaadka,qaad cashuurka halka ay argagax ku noqotay maamulka kastamka, shaqaalaha maaliyada, shaqaalaha laanta ganacsiga iyo booliska ilaalada cashuuraha

Halka ay kastamka abaarsona  soo gaadhay cabaaro 2 habeenimo xili saacadihii habeenimo intoodii badnayd tagtay saqbadhna ah

sas iyo argagaxaa shaqalaha kadib ganacstada xiligaa hawshoodu ka socotay kastamka kalabaydh iyo abaarso iyaa dareeno kala duwan ka bixiyay kormeerka wasiiradda sheeko falanqayn badan laga yeesho iyadoo dad badan kormeeradan wasiiradda ku macneeyeen dadaal dheerraada oo wasiiraddu la timid halka qaar kalena ay ku doodeen kormeero warwar badani ka muuqdo oo ay si xoogan uga warwaryso in ku fashilanto miisaaniyadan ay kala wareegtay wasiirkii hore ee maaliyada Cabdicasiis Maxamed  samaale

Wasiir samsam ayaa kormeerkeedii ugu horeeyay ku tagtay xili subax  hore ah 24/03/2015 maalintaas oo ay ka qaybgalaysay xafladii xilwareejintii maayarka gabiley

laba kormeer e danbe ayaa dhamaantood ahaa habeenimo tasi oo dareeno kala duwan ku abuurtay maamulada kastamka iyo guud ahaan bulshada ku dhaqan galbeedka hargaysa

Arinta ayaa abuurtay dareeno kala duwan oo ku saabsa safarada wasiirada oo ah kuwo ku cusub wasaarada iyo hoos u dhac xaga dakhliga ah oo laga cabsi qabo kuwaaasi oo maalmihii udanbeeyay la sheegay in guud ahaan dakhligi soo xaroon jiray hoos u dhacay kastamada dalka iyo dakada barbera iyadoo loo aanaynayo dagaalada yemen oo saameyay dekeda barbera kastamada oo iyaguna ay sameeyen wixii dalka soo galayay oo yaraaday sida jaadka wax kala iibsiga magaalo ganacsiyeeda wajaale iyo arimo kale

Isku soo wada duuboo waxaa lasugi doonaa  dadaalka wasiirada  isdul saarka shaqaalaha maaliyada  iyo dakhliyaranta guud halka ay caga dhigandoonaan

 

WAJAALENEWS DESK

GABILEY OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

Exit mobile version