Hargeysa, -(Wajaalenews):- Urur-goboleedka IGAD, ayaa sheegay inay Somaliland beesha caalamka sumcad iyo ixtiraam kaga kasbatay qaabkii ay ugu hirgeleen doorashooyinkii hore uga soo qabsoomay oo ku dhammaaday qaab dimuquraadiyad iyo nabadgelyo ah, isla markaana doorashooyinka soo socda haddii ay dib u dhacaan sababta ay yeelanaysaa ku xidhnaan doonto aragtida Bulshada iyo dawladda Somaliland u sameeyaan.
Xog – hayaha IGADUrurka IGAD waxa uu sidoo kale ka hadlay wadahadalladii u socday Somaliland iyo dawladda Federaalka Soomaaliya oo hakad ama fashil ku yimi 1-dii bishii March 2015-ka oo uu shirka siddeedaad ee wadahadalladu ka furmi lahaa magaalada Istanbul ee waddanka Turkiga, kaasoo uu sheegay in kala dhaqaaqii shirkaas macnihiisu ahayn in wadahadalladii labada dhinac guud ahaan fashilmeen, hase-yeeshee, ay halkoodii ka sii socon doonaan, rejo fiicanna ay ka qabaan in natiijo wanaagsan laga gaadhi doono.
Xoghayaha guud ee Urur-goboleedka IGAD Maxbuub Macallin oo isaga iyo Wefti uu hoggaaminayaa booqasho ku yimaaddeen Somaliland, ayaa shalay Saxaafadda kula hadlay magaalada Hargeysa, waxaanu ka warramay ujeeddada socdaalkooda oo uu ku sheegay mid la xidhiidha dhinaca Waxbarashada.
“Waxaan ka soconaa Ururka IGAD, waxa ila socda niman Saraakiil ah oo ka tirsan Ururkaas, oo ay badhkood ka yimaadeen, Saldhigga (Xarunta) Ururka ee Djibouti oo aniga ila socday, badhna, xafiisyadayada kale ee waddamada kala duwan ee urur goboleedku ku yaalo, xubno ka socda xafiiska Nairobi, Ninka madaxda ka ah iskuulka xanaanada xoolaha ee magaalada Sheekh. waxaan is-tusnay in dadkii lahaa, oo dadyowga gobolka ah, inaanu wacyi gallino, inaan samayno Sanduuq deeq waxbarasho (Scholarship Fund) maal-galin yar oo dadku wax ku darsado, oo shaqada.” Sidaa ayuu yidhi Maxbuub.
“Dugsiga lagu wado Carruurta aan heli karin inay iska bixiyaan lacagta waxbarashadana lagu taakuleyn karro, xalay shirka sanduuqaas taakulaynta ah ayaannu qabannay. Waxaan filaynaa in dadka baayac-mushtarka ah ee reer Hargeysa, inay gacan ka geysan doonaan. Dalal kalena waan tagaynaa, shirar noocaas oo kale ahna waanu ku qabanaynaa, si uu sanduuqaasi u noqdo mid kobocsan ‘ taabo gal noqday.”
Maxbuub Macalin oo ka warbixinayay sida ay Urur IGAD ahaan u arkaan dib u dhaca doorashooyinka Somaliland, waxa uu yidhi; “Midaas waxay ku xidhan tahay dowlada iyo dadka Somaliland, xaqiiqdii, horena arrimaha waaweyn ee Somaliland horgalka u ahaa in loo arko dal wanaag wada oo muuqaalkooduna aad uu u fiican yahay, waxa ugu muhiimsanaa, doorashooyinka faraha badan ee sida fiican u dhacay, ayaa kamid ahaa arrimaha waaweyn ee aad Somaliland loogu xushmeeyo, gobol iyo caalamiba. Haddii midka soo socda (doorashooyinku) ay dib u dhacaan, taasi waxay ku xidhan tahay dadka Somaliland iyo dawladdooda.”
Xoghaye Maxbuub waxa uu ka hadlay wadahadalladii u socday Somaliland iyo Soomaaliya oo shirkii u dambeeyey ee siddeedaad fashilmay kawdii bishii March ee sannadkan 2015-ka, waxaanu yidhi; “Waan waanta iyo wadahadallada u socday Soomaaliya iyo Somaliland ma bur-burin, wali way socdaan. Haddii shirarkii wadahadallada midkood dib u dhac ku yimaaddo, macneheedu maaha in wadahadalladii labada dhinac u socday ay burbureen.”
“Laakiin, waa inay wufuudii, madaxdii waddamadooda ay dib ugu noqdeen oo u doonteen amarro iyo awaamiir cusub, ayna soo noqon doonaan, shirarkaasina sidii hore-ba go’aanka loogu gaadhay ayey u socon doonaan, natiijona in laga gaadhi doono ayaan filaynaa.” Sidaa ayuu yidhi Xoghayaha guud ee Urur-gobleedka IGAD Maxbuub Macallin.