Abwaan Maxamed Xaaji Cabdi Dhuule(abwaan loodh),wuxuu dhashay 1950kii ku na dhashay tuulada daba goryaalle ee gobolka daad madheedh,halkaasi oo uu ku barbaaray ilaa yaraantiisiina wuxuu abwaanku muddo labaantaan sanno ku dhaw uu ahaa geel jire oo uu geela ku raaci jiray.
Ku sinaan 1972kii,ayuu abwaanku soo galay magaalada oo iskaga yimi dhulkii miyiga ahaa,kadib markii uu magaalada soo galay abwaanku gabayo aad u badan ayuu tiriyay,walaw ay jireen gabayo uu ku tiriyay intii uu joogay miyiga.
Gabayadaas uu abwaanku tiriyay oo iskugu jirtay gabayo uu u tiriyay kaligii taliyihii siyaad barre iyo gabayo kale oo uu tiriyay mujaahidiintii snm.
Muddo markii uu magaalada joogay abwaanku wuxuu tagay magaalada cadan oo waqtigaa soomaalidu aad u tagi jirtay,isla markaasna soomaalidu waqtigaas ku badnayd,ayaa abwaanku shaqooyin badan ka qatay magalaadaas.
Ugu dambayn abwaanku wuxuu shaqo ka helay markab laga lahaa wadanka giriiga oo uu ka raacay magaalada cadan,halkaasina uu abwaanku ku galay qaarada yurub.
Hadaba alle haw naxariisto abwaan loodh oo ahaa abwaan ka caana gayiga soomaalidu meel kasta oo ay degto ayaa ahaa abwaan ku sifoobay daacadnimo,aftahinimo iyo wadaninimo,iyadoo gabayadiisu u badnaayeen suugaan wadaniyadeed ayaa waxaynu ka xasuusin karnaa gabaygii uu abwaanku u tiriyay mujaahidiintii snm oo noqday gabaygii ugu wanagsana ee loo tiriyay mujahaidiintii snm,tixdaas oo la odhan jirtay jirde gooye,gabaygaas oo isugu jiray duco,taag tikada loo dagaalmo iyo waliba guubaabo.
Alle haw naxariistee abwaan loodh wuxuu ku dhintay wadanka giriiga sanadkii 2009kii,allle haw naxariisto abwaanka.
GABAYGII HOLAND WAXAA TIRIYAY (ABWAAN LOODH).
Gabaygan oo ka mid gabayadii uu abwaanku caanka ku ahaa,ayaa waayadii uu abwaanku tagay dibadaha ee uu ka tagey dhulkii miyiga ahaa ayaa abwaanku wuxuu is bar bar dhig ku sameeyay nolasha miyiga iyo nolasha wadamadaas uu tagey,waxaanuu abwaanku ku sheegayaa gabaygiisa in noloshaas qurbuhu ka wanaagsan tahay nolosha miyiga , waxaana abwaanku yidhi:
- Horwayn badan haleelada dhashiyo heeshinkiyo qaanka.
- Haawayda raacdaa mo oga heerka nololeede.
- Haraad se waxaan ka tagey maalintan dhigay hadhuubkii.
- Holan kama qadayn karo ninkii halo dhex joogaaye.
- Horaan uga maray yuusufoow hayla xumadiiye.
- Kuwii adhiga hawd daajin jiray nama huruufaane.
- Hubka waxaan u qaataa sidii haydhka faransiise.
- Hoori kama baxeen meelahaan haw ka leeyahaye.
- Sida haadka duuloo kalaan hayga marayaaye.
- Habinimana waxaa iigu wacan haynta lacageede.
- Hawo nimaan lahaynbaa jaboo haynin meel sare’e.
- Imikaa habkaan dooni jiray hawl yaraan yimi.
- Iyagaase aduunyada hantiyay hiilna noo taraye.
- Ha noolaato haabada baddiyo hoonka reer yurub.
Tixraac:
Maxamuud guhaad xuseen
W/Q:Cabdiwahaab cismaaan toox
Abdiwahaab888@gmail.com
0634139709