Soomaalidu waa dad rajo ku nool, noloshoodu waxay ku dhisan tahay barri bay dhaami, inta badana waxay jecel yihiin sheekooyinka khiyaaliga ah amaba beenta ah, waxaana tusaale usoo qaadanayaa sheeekadan.
Wiilkan aan ka sheekaynayaa wuxuu naawilayey mashruuc uu u shaqayn jirey oo ay waday mid ka mid ah wasaaradaha dalka oo istaagay, waxaanu rajaynayey inuu mashruucaasi dib u bilaabmi doonno, marka uu muddo joogaba waxa uu ku soo noqon jiray wasaaradii si uu u waraysto inuu mashruucii bilaabmayo iyo in kale, haseyeeshee qoladii wasaaraddu waxba umay qarin waxay u sheegeen in mashruucaasi istaagay oo hay’addii ay la wadeen gabi ahaanba joojisay oo uu xidhmay.
Aad buu uga xanaaqay hadalkaasi runta ah, waxa uu ka jeclaa in lagu yidhaahdo “walaalo waynu rajaynaynaa inuu dib usoo laabto ee nagu soo noqnoqo uun oo naga war hay”.
Hadalkaasi xaqiiqda ku fadhiya niyadiisu may jeclaysan wuuna ka warwaray, habeenkii oo layl buu hadalkii kolba hor imanayey, waxa uu hoosta ka yidhaahda “ninyahow miyey si kale u dhigto sootan jiq nagu siisay”
Maalintii dambe ayuu ku soo noqday, wuxuu ku yidhi “ walaal aniga beenta raba, rajaddana lagama dayriyo, adiga miyey ku dhibaysaa inaad tidhaahdo mashruucii dibuu usoo noqonayaa, hadalka wanaagsani waa sadaqo dadka lagama nixiyo ee hana niyad jabin ee walaal markaan ku waydiiyo Insha alla waa la rajaynayaa uun dhe intaasi maxay ku yeeli.