WAJAALE NEWS

Shacabka oo ay Halxidhaale ku Noqotay Khilaafka Xisbulxaakimka Kulmiye!!! Qoraa:-Xuseen siyaad cilmi {mataan}

Khilaafka xisbulxaakimka talada haya ee kulmiye ayaa mar labaad soo cusboonaaday isagoo u kala jabay laba qaybood shacbiga ku dhaqan Somaliland ayaa dhagaha kala socoda nuqulada ka soo baxay labadan garab ee uu u kala jabay xisbiga talada dalka haya ee kulmiye maaha markii ugu horaysay ee uu khilaaf dhex yimaado xisbiga kulmiye waayo waa markii labaad ee garnaqiisa lagu jiro , khilaafanka soo foodsaaray xisbiga ayaa ku socda dariiqii uu ku baabay xisbigii hore talada dalka u soo hayay ee udub hadaba khilaafyadan hadheeyay xisbiyadaa ayaa ay kawada simaan yihiin saddexdii xisbi qaran ee dalka ka jiray walaw uu khilaafka isaga ah uu ku baabay xisbigii udub, kuma ah dalka ceb xisbiyada qaran ee uu khilaafku dhex iyaamaado waayo waa caadadooda in ay iyagu heshiin waayaan talada xisbiga tusaale ahaan

maah maah soomaliyeed ayaa tidhaa “gari laba qof kama wada qosliso “ waayo hadii uu khilaaf yimaado ama gar laaqaado miduun baa ku guuldaraysata ee labadaba gartu ma raacdo  markaa hada waxa lagu jiraa sidii la iskugu soo dhaweyn lahaa labada garab ee uu u kala jabay xisbiga talada dalka haya kulmiye , hadalada ay isla dhemarayaan dadka shicibka ah ayaa ah xisbiga kulmiye ma sidii udub ayuu u baabay mise khilaafku sidaa ayuu ku afjarmi doonaa ??

Sidoo kale Waxa hore khilaafkan oo kale faracaaradood ku sigtay xibiga ucid oo mudo khilaafkoodu socday markii danbana ay maxkamada sare ay kala saartay, hadaba labadan garab ee uu u kala jabay xisbiga kulmiye ayaa midba goonidiisa u soo saaray liis uu ku magacaaabayo gudidafulinta shicibka ayaa layaaban labada liis ee kal danbeeyay ee ay soo saareeen   hadba kala raacyo ama kadhabta ah ee socod siindoona xisbiga midwalbana waxa uu  shaaciyay goorta uu gudanayo hawshiisa oo la filayo in labilaabayo wiiga soo socda, khilaafkan baahsan ee la soo gudboonaaday xisbiga talaada dalka haya ee kulmiye ayaa hoos u dhigtay shaqadii uu dalka u hayay waxaanay ku mashquuleen sidii uu midwalba u guulaysanlahaa  waxaan xisbiga kulmiye manta uu noqday si aan laga filanayn oo dalka dibadiisa iyo gudihiisaba waxay u dhago taagayaan halka uu warkiisu ku danbeeyo oo ah guul ama guul daro

Khilaafka xisbul xaakimka kulmiye  ayaa waxa ugurmaday gudidii ugu horaysay ee dhexdhexaadindoonta gasha ama bilawda balwaxay isku hayaan labada garab ee xisbigu u kala jabay  guntii iyo gaba gabadii Akhriste xisbiga kulmiye miyuu baabay ?? mise waa uu sii jiri doonaa???

Exit mobile version