Calankani waxa lagu riday god madaw habeenkii 26 June 1960 waxaana birtii dheerayd ee laga dejiyay kii ingriiska la sudhay calankii berigaa ay lahayd koonfurta Soomaaliya,waana kii uu AHN Timacade lahaa (aan siduu yahay eego e kaana siib kana saareey).Shan casho ayay shacabka Somaliland ku jireen damaashaad iyo farxadii neecawda xoriyada balse 1 July 1960 ayay gawracantay xoriyadoodii kadib markay maalintaa la midoobeen koonfurta Soomaaliya.Waayo,aragtida labada dhinac ayaa ahaa kaaf iyo kala dheeri.Berigaa Jamhuuriyada Somaliland waxay xoriyadoodii u aaseen aragtida ay qabeen oo ahayd in laysu keeno 5ta Soomaaliyeed,aragtida koonfurtuna aad ayay taa uga fogayd oo tooda oo keli ah ayay ku dheganaayeen,waxaabay dhawr jeer oo ka horeeyay israacii ayay Somaliland ka abhiyeen midnimada balse reer Somaliland ayaa looga taag waayay midnimada.
Tani ayaa keentay in gebi ahaan ba la laalo distoorkii Somaliland oo ka koobnaa 58 qodob,waxa kale oo la laalay 23 qodob oo reer Somaliland la tageen koonfurta! Waxa ugu yaab badnaa waftigii uu hogaaminayay AHN M.I.Cigaal oo aan wax maamuus iyo qadarin ah aan la siin oo aan looguna yeedhin inay ka qayb galaan kal fadhigii ugu horeeyay ee baarlamanka israaca.Ta ka sii darayd waxay ahayd in 10 qodob laga soo saaray shirkaa oo haba yaraatee aan qodobna lagaga soo darin 23kii qodob ee ay reer Somaliland la tageen Muqdisho,laguna cadayn qaabkii loo midoobay.Tanina waxay abuurtay midnimadii inay ahayd mid aan sharci ku qotomin ee dhinac uun ka rarnayd.Halkaa waxa god madaw oo abeesooyin jiifaan ku dhacday gebi ahaanba xoriyadii Jamhuuriyada Somaliland ee jirtay 5ta maalmood.
Nin ku haftay bada ayaa laga hayaa (Waar ilayn geed la cuskadaana).Aragtidii ahayd in laysu keeno 5ta Soomaaliyeed-na halkaasay ku dhimatay.Dawladii ugu horaysay ee la dhisay-na ee israacii loo bixiyay Jamhuuriyada Soomaaliyeed waxay noqotay uun mid hogaaminta xoogeedii ay ku fadhiisteen koonfurta Somaliya. Tusaale: Madaxweynahii,Ra’aysal wasaarahii,difaacii iyo arrimaha gudahaba.Waxa halkaa ka cad inay reer Somaliland lumiyeen xoriyadoodii isna dhiibeen.Intaanan hoos u sii dhex gelin waayaha dalkan waxaan idin xasuusinayaa inay jireen dad tiro yar iyo saraakiil tiro yar oo ka soo horjeeday in lala midoobo koonfur,loona arkaayay dad waalan.Kooxdan tirade yar ayaa markay arkeen waxa Muqdisho ka dhacay ee xornimadii Jamhuuriyada Somaliland god madaw lagu riday,sharciyad lagu midowbayna aanay jirin ayay hoos u abaabuleen.Intaa kadib waxa isku xidhmay koox saraakiil ah iyo dhawr siyaasi.Kooxdan oo uu hogaaminayay Mj.Xasan kayd ayaa isku dayay inqilaab balse ayaan darro wuu ka fashilmay waana la xidhay.
Waxa iyana la yaab lahayd dhoonaantii badi shacabka reer Somaliland oo aan dareenba ka yeelan sababaha saraakiishaasi u damac sanaayeen inay inqilaab ku qabtaan dalka.
La Soco qaybta 4aad.
Xuseen Xasan Badmaax
Hargeysa/JSL.
Badmah100@hotmail.com