WAJAALE NEWS

Muuqaalka Shaqsiyada Dhabta ah Ee Gudoomiyaha Xisbiga muxaafidka ah kulmiye

WAA QORMO KALSAN IYO kas waayeel loogu wan qalay sidoo kale waa qormo kama iyo kayrkayrba laga ilaashay waa kalmado ku haboon oo diirada lagu saari doonta kaalmihii uu ku lahaa halgankii dib u xoraynta qaran, dib u dhiskii dalka iyo hanaankii dawladnimo ee burburay,  iyada oo aan si gaara farta ugu fiiqi doono kaalintii uu  ku lahaaa  kartidii  kalsoonodii uu muujiyay, iyo siduu ugu soo dhabar adaygay dhibtii iyo hadimooyinkii uu kala kulmi jiray in la qarameeyo oo wadooyinka taaganaa ciidamadii xoogaga wadooyinka taagnaa ee SNM  la qarameeyo.

hadaba waxaan qormadan ugu kitaab furay,  kuna iftiimin doonaa halgamaa samo talis ah, milgihii iyo maamuustii hogaamiyana leh, waa Mujaahid Muuse Biixi Cabdi.

Muj. Muuse Biixi wuxuu safka hore kaga jiraaa saraakiishii ugu horaysay ee bilawgii sideetamaadkii qarnigii hore go,aansaday inay hogaanka u qabtaan ciidamadii SNM ee ku sugnaa gudaha Dalka Ethiopia.

waxayna taariikhdu kamarag kacaysaa in Mujaahid Muuse Biixi kaalin mug leh ku lahaa, halgankii dibuxoraynta qaran ee SNM hormoodka ka ahayd.sidoo kale  wuxuu gudoominayay shirkii balay gubadle kaasi oo lagu doortay Cabdiraxmaan Axmed Cali(a.tuur) mudadii uu shirka hagayayna waxaa lagu xasuustaa hal adayg ,hawlkarnimo

sidoo kale Gud. Biixi wuxuu kaalin mugleh ku lahaa heshiisiinta iyo midaynta xoogagii SNM, waxaanay taariikhdu ka marag kacaysaa inuu yahay halgamaa samo talisa.

sidoo kale waxay taariikhdu ka marag kacaysaa in Muj. Muuse Biixi  shaqsiyad karti badan uu yahay  una dhabar adaygo waayaha uu dalkiisa iyo dadkiisu ku sugan yihiin, sidoo kale muj.Muuse Bixi waa hogaamiye wadaniya wadankiisana jecel, iyada oo aan marag uga dhigayo habka nololeed ee uu u raadiyo nolosha qoyskiisa.

waa hogaamiye Beeralay ah tacab wax soosaarka jecel, waa hogaamiye aan jeclaysan inuu ku noolaado qurbaha, waa hogaamiye rabi waafajyay in aanu waligii isticmaalin balwadaha sida jaadka iyo sigaarka.

Aabihii Jamhuuriyada Somaliland Marxuum Cigaal markii lagusoo doortay Magaalada Boorama sanadkii 1993 ALLE ha u naxariistee wuuxuu Gudoomiye Muuse Biixi u magacaabay Wasiirka Arimaha Gudaha, waqtigaas oo uu dalku ku jiray Duruufo qalafsan, Burbur Dhaqan, Dhaqaale,Nabadgalyo  daro,iyo Dawlad la,aan, wuxuu Gudoomiye Biixi kaga gudbay Karti, Kalsooni badan,iyo Dhabar adayg.

waxanay Gudoomiye Biixi taariikhdu ku xusaysaa in uu guulo la taaban karo ka soo hooyay xilkii loo igmaday waqtigaas.

waxaanay taariikhdu ka marag kacaysaa inuu ku guulaystay qaramaynta ciidamadii SNM ee wadooyinka taagnaa isagoo kaashanaya GUURTIDII IYO WASIIRADII dhigiisa ahaa sidoo kale isagoo GUURTIDA IYO MADAXDA kala duwan ee xukuumada wax uu soo nooleeyay nidaamkii dawladeed waxaanu kaalin mug leh ka qaatay  ururinta Cashuuraha Dawlada Dhexe iyo Dawlada Hoose labadaba.

sidoo kale isaga oo kaashanaya haayadaha gargaarka wuxuu kaalin mugleh ku lahaaa dib udhiska iyo dayactirka goobaha dugsiyada,saldhigyada, sariimadaha, cusbitaalada x/wasaardaha iyo kastamada.

 

LA SOCO QORMOOYIN DANBE OO XIISA LEH

 

QALINKII  Y, HIRSI

WAJAALENEWS DESK

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

Exit mobile version