Baaqa Midawga Yurub Arrintan ka soo saaray Shalay
“Madaxda Hawlgalka Midowga Yurub iyo dalalka xubnaha ka ah waxay sida ugu adag u dhaleecaynayaan fulinta dilka lixda qof ee ay sameeyeen masuuliyiinta Somaliland ee xabsiga ammaanka badan ee Madheera in badan kadib markii ay iska daayeen fulinta dilka maamulku. Guud ahaan, falkani aan la filayn, wuxuunna dib-u-dhac ku yahay guulaha laga gaadhay in la fidiyo nidaamka sharciga Somaliland. Midowga Yurub wuxuu si ba’an uga soo horjeedaa ciqaabta dilka, waxayna u tixgeliyaan in dilku yahay ku xad-gudub aad khatar ugu ah xuquuqda iyo sharafta aadamaha.
Madaxda Hawlgalka Midowga Yurub waxay si ba’an uga soo horjeedaan dilalka la fuliyey iyo xabaalaha la qoday sagaal sanno, kadib markii la joojiyey dilalka ciqaabta ah, waxayna ku adkaynayaan masuuliyiinta Somaliland inay dib uga fekeraan go’aankooda dib uga noqoshada dariiqa horumarka ee ay raaceen ee joojinta dilka.
Madaxda Hawlgalka Midowga Yurub waxay ugu yeedhayaan masuuliyiinta Somaliland inay si dhaqso u joojiyaan xukunnada dilka oo ay ugu horreyso inay qaataan shuruuc ku habboon joojinta xukunka dilka. Midowga Yurub waxay rajaynayaan inay masuuliyiinta Somaliland kala shaqeeyaan arrintan,” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka ka soo baxay Midowga Yurub iyo dalalka xubnaha ka ah ururka