WAJAALE NEWS

Madaxwaynaha JSL OO digreeto madaxweyne dalka Kaga Joojiyey Isticmaalka Bacaha

WAR-SAXAAFADEED

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane. Axmed Maxamed Silaanyo

waxa uu digreeto madaxweyne oo summadiisu tahay JSL/M/XERM/249-3178/042015 uu dalka kaga Joojiyey Isticmaalka Bacaha iyo Fayo-dhawrka Deegaanka.

 Madaxweynuhu:-

Markuu Arkay:           Qodobbada 90aad iyo 18aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

 Markuu Arkay:           Qodobada 68aad iyo 75aad ee Xeerka Ismaamulka Gobollada iyo Degmooyinka ee Xeer Lr.23/2007;

 Markuu Arkay:           Soo jeedinta Guddida Heer Qaran ee Bilicda Magaalooyinka;

 Markuu Tixgeliyey:   Xilka iyo Mas’uuliyadda Dawladda ka saaran ilaalinta  fayo-dhawrka deegaanka, bilicda iyo nadaafadda guud ee  Magaalooyinka Somaliland;

 Markuu Garawsaday:        In jaangooynta kormeerka iyo wax-ka-qabadka bulaacadaha, Musqulaha iyo goobaha qashin qubka iyo nadaafadda    Goobaha Ganacsiga sida Sariibadaha iyo Goobaha Cuntada ay aas-aas u tahay kor u qaadida iyo ilaalinta fayo-dhawrka;

 Markuu Arkay:           Dhibaatada ay Bacdu ku hayso Dhirta, Xoolaha, caafimaadka   guud ee Bulshada iyo Bilicda Magaalooyinka Somaliland;

 Wuxuu Go’aamiyey:

 

  1. In ay reebban tahay soo dejinta iyo ka-ganacsiga noocyada Bacda ee kala duwan sida Bac-miikada, Bacda ila-qabada, bacaha Shirkadaha iyo Dukaamada ee Xayaysiiska Ganacsiga.

 In Dawladaha Hoose iyaga oo fulinayo Xeerka Ismaamulka Gobollada iyo Degmooyinka ay ku ilaaliyaan, kuna kormeeraan Goobaha Ganacsiga iyo Warshadaha in Bacaha u yaalla ay ku dhammeeyaan muddo 120 maalmood, muddadaa wixii ka danbeeyana ay ku dedaalaan wixii beddeli lahaa Bacaha.

 

  1. In Wasaaradaha ku Shaqada lehi iyaga oo u maraya Maamulka Gobollada ku kormeeraan Dawladaha Hoose ilaalinta iyo kor u qaadida heerka fayo-dhawrka Deegaanka iyo Caafimaadka Bulshada.

 

  1. In la joogteeyo Wacyigelinta Dadweynaha ee faya-dhawrka deegaanka.

 ALLAA MAHAD LEH

 

                    Naasir Yuusuf Daahir

Xoghayaha gaarka ah ee Xafiiska Saxaafada Madaxtooyada JSL.

Exit mobile version