WAJAALE NEWS

Dalka Suudaan oo Saaka looga dareeray Doorashooyinka Madaxtooyada iyo Baarlmaanka

Dadka reer Suudaan ayaa maanta oo isniin ah waxay u dareerayaan goobaha codbixinta si ay u soo doortaan madaxweyne iyo baarlaman.

Doorashadani ayaa ah tii ugu horreysay tan iyo markii ay Suudaan kala go’day.

In ka badan 37 milyan oo qof ayaa u diiwaan-gashan in ay codkooda dhiibtaan.

Inta badan xisbiyada mucaaradka ayaa qaadacay doorashada, iyadoo dalalka reer galbeedka ay sheegeen in aysan muuqan jawi abuuraya doorasho xor iyo xalaal ah.

Dhammaan arrimahani ayaa waxaa lagu micnayn karaa in Cumar Al-Bashiir oo xukunka soo hayay tan iyo sanadkii 1989-kii uu hadda hubo in dib loo soo dooran doono.

Maxkamada caalamiga ah ee dambiyada ayaa amartay in la soo xiro Cumar al-Bashir 2009-kii.

Doorashadu waxay socon doontaa saddex maalmood.

 

Exit mobile version