WAJAALE NEWS

Ciidamada Somaliland oo heegan la geliyey, Ammaanka oo la adkeeyey, Nidaamka cusub ee ay ku shaqeynayaan iyo feejignaanta laga filayo Shacabka.

policeka somalilandHargeysa(Wajaalenews):- Ciidammada Ammaanka Somaliland, ayaa la sheegay in heegankii ugu sarreeyey la geliyey, isla markaana si weyn loo adkeeyey dhaqdhaqaaqa dhammaan xuduudaha laga soo galo dalka, ka dib qaraxyo kala duwan oo maalmihii u dambeeyey Malleeshiyada Al-Shabaab ka fuliyeen meelo ka mid ah magaalooyinka Soomaaliya iyo Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland.
Tallaabadan heeganka lagu geliyey Ciidammada Somaliland oo markoodii hore-ba ku jiray, ayaa la sheegay in wakhtigan lagu kordhiyey nidaam cusub qorshayaasha Ciidammadu u gelayaan heeganka, isla markaana wax badan ku kordhin doona xaaladda nabadgelyada horeba salka dhulka ugu haysay ee Somaliland ku caano-maashay.
Sida Wargeyska Himilo ka soo xigtay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay oo ku dhadhaw Ciidammada Ammaanka, ayaa sheegaya in qorshayaasha cusub ee Ciidanku u gelayaan heeganka wakhtigan ay ka mid tahay in tiro cayiman dhammaan Ciidammada kala duwan ee Somaliland ku hawlgalaan dharka caadiga ah, dhammaan deegaannada kala duwan ee dalka iyo goob kastoo loo baahdo. Iyagoo sidoo kalena ku hawlgalaya Dirayska ay marka hore-ba xidhan jireen oo isku wadaya labada qaab-ba.
Qorshahan cusub oo wax badan ka tari doona qaababkii Ciidammada u gudan jireen xilkooda, ayaa sidoo kale la filayaa inuu argaggax ku keeno cid kasta oo ku hamiyi lahayd ama isku dayi lahayd inay waxyeelleeyaan xasilloonida Shacabka Somaliland ku naaloonayaan.
Wararka la xidhiidha heeganka Ciidammada kala duwan ee Qaranka Somaliland la geliyey, ayaa la sheegay inuu saamaynayo dhaqdhaqaaq kasta oo kala dhantaalaya ammaanka Bulshada, gudo iyo dibed, halkii la doono hallaga abaabulee.
Sidoo kale, qorshayaasha cusub ee wakhtigan Ciidammada u gelayaan heeganka, kana mid yahay nidaamka ay ku shaqeynayaan dharka Shicibka (Dhar-cad), ayaa wararka aannu helaynaa waxay sheegayaan in amarkooda uu soo bixiyey Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde, oo xilligan hawlo shaqo ugu maqan dalka dibeddiisa, lana filayo inuu maalmaha soo socda dib u soo laabto.
Dhinaca kale, Bulshada Somaliland ayaa looga fadhiyaa inay kaalintooda ka qaataan ilaalinta ammaankooda, fiiro dheerna u yeeshaan dhaqdhaqaaqyada hareerahooda iyo Xaafadahooda ay ka dareemi karaan, isla markaana ay Booliska la socodsiiyaan ciddii nabadgelyada dhibaato cod u geysanaysa ee ay arkaan, iyagoon dano gaar ah, jaho-habaabin iyo aargoosi shaqsiyaad gaar ah toona uga faa’iidaysanaynin.

Hargaysa Office
Wajaalenews.net
Wariye: Abdiqadir Habane

Exit mobile version