WAJAALE NEWS

Booliska Talyaaniga Oo Xidhay 15 Qof Oo Muslimiin Tahriibeyaal Ah iyo Eeda Loo Haysto

Booliska Talyaaniga ee Dekedda Sicilian ayaa Xidhay 15 tahriibeyaal Muslimiin ah, kuwaasi oo lagu eedeeyay inay daraasiin Masiixiyiin ah Doonta ka tureen intii ay ku soo guda jireen Badda Libya iyo Talyaaniga u dhexaysa.

Booliska Talyaanigu wuxuu sheegay in Daraasiin Masiixiyiin African ahi dhinteen markii Rakaabkii la socday uga tuureen doonyaha nacayb diineed. Waxaa la rumaysan yahay in 41 kale ku dhinteen dhacdo noocan oo kale ah oo doon kale ka dhacday.

15-kan Muslimiinta ah ayaa la qabtay islamarkii ay gaadheen Talyaaniga, waxaana loo haystaa eedo la xidhiidha Dil wadareed xamaasadaysan oo ku salaysan Diin nacayb.

Laba iyo toban masiixiyiin ah oo loo maleynaayo inay ka imaadeen Ghana iyao Nigeria ayaa laga cabsi qabaa in badda lagu tuuray.

Ilaalada xeebaha ee Taliyaaniga ayaa sheegay in la badbaadiyay ku dhowaad 10 kun oo qof isbuucaan oo keli ah, kuwaas oo doomo ka raacay dalka liibya. Shalay oo keli ah waxaa la badbaadiyay 900 oo qof.

15-ka qof ee loo xidhay shakiga ah inay Badda ku tureen Masiixiyiinta ayaa ka kala yimid wadamada Senegal, Mali iyo Ivory Coast.

 

Exit mobile version