Hargeysa(Wajaalenews) Madaxweyne kasta oo soo maray Somaliland kolkaad dib u milicsato iskushaandhaymihii Xukuumadahoodi mid kastaaba cida uu bedelo ama xil kaa qaadaayo waxaa sune u ahayd inuu isagoo wax badan dhawraya seefta kazoo bilaabi jiray kuwa cid ugu xiga ee beeshiisa, isagoo ka taxadiraya saamaynta siyaasadeed ee ay ku yeelan doonto faalada iyo falanqaynta shacabka uu madaxweynaha u wada yahay.
Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo waxa uu noqday madaxweynihii afraad ee ku fadhiistay kursiga madaxtinimada Somaliland, waxaanu noqday madaxweynihii ugu horeeyey ee hogaamintiisu shacabka dhaxalsiiso dib unoqoshada iyo aafada qabyaalada.
Xiligan Somaliland bulshada dhexdeeda isbarashada magacyada kuwa aan is-aqoon waxaa uga mudan kana horeeya magac isweydiinta horta qolada ama qabiilka aad tahay. Xilalka qarankuna waxay noqdeen kuwo qaybintoodu ku salaysan tahay Xididnimo iyo Xigaal, waxaana lumay xulashadii masuuliyad ku dhisan Aqoon, Karti iyo Hufnaan. Magacyo ka miisaan iyo Saamayn balaadhan madaxweynaha qaranka ayaa iyaguna Somaliland ka noqday wax ugub oo aan hore uga dhex jirin Xukuumadihii maamulka Siilaanyo ka horeeyay.
Ka sokow waxyaabahaasi tan ugu daran ayaa ah mida keliya ee ay ku dhici kari waayeen kana digiigixdeen dhamaanba madaxweynayaashii, Tuur, Cigaal iyo Rayaale, taaso ah in midkoodna damiirka iyo dareenkooda madaxtinimo u saamixi waayey inay awoodooda madaxtinimo ku macaashiyaan beelaha ay kazoo jeedeen, una sed-buriyaan ardaayadoodi si’aan xad lahayn Xilalka qaranka, halka manta Madaweyne Axmed Siilaanyo ka noqday madaweynihii ugu horeeyey Somaliland soo mara ee beeshiisa gacanta ka saara awoodihii kursiga madaxtinimo sidoo kalena Xilalka golaha Xukuumadiisa sadex meeloodow meel 1/3 u xantoobiyay Beeshiisa.
Hadaba warbixntan oo mudo la baadhayay xaqiiqooyinka saxda ah ee is barbar dhigaya tirada xilalka Sadexdii madaxweyne ee ka horeeyay maamulka Siilanyo, beelahooda Siiyeen iyo tirada xilalka madaxweyne Siilaanyo beeshiisa siiyay. Sidoo kalena waxaynu eegaynaa awoodaha iyo tayada tirada xilalka labadaasi dhinac oo 92% kala miisaan iyo manfacba culus.
Marka hore aynu eegno tirada iyo awoodaha ay kala lahaayeen xilalkii saddexdii Madaxweyne ee hore xukuumadahoodu ka kala siiyeen beelihii ay ka soo kala jeedeen, si’aynu u wada fahmi karno halka sartu ka qudhuntay, iyo sida afarta madaxweyne cadaalad ahaan Xus iyo Xasuusba u kala mudan yihiin Qaranka Somaliland iyo taariikhda iskeed isu qortaba.
Sanadihii 1990 ayey ahayd Somaliland xiligii ay la wareegeen gebi ahaanba dagaalyahnadii ururkii dhaq-dhaqaaqa Soomaaliyeed ee “SNM” waxaa xiligaasi kadib Madaxweyne ka noqday Somaliland Alle haw naxariistee Madaxweynihii u horeeyey Somaliland oo ahaa halgamaagii weynaa ee Cabdiraxmaan Axmed Cali “Tuur” isla markaasina ahaa Gudoomiyihii SNM ee ugu danbeeyay, kuna guulaystay xoreeyntii wadanka somaliland iyo is kaba raacintii xukuumadii Siyaad Barre.
Marxuum Madaxweyne Tuur waxa uu kasoo jeeday qabiil ahaan Beesha Isaaq/ habar Yoonis waxaanu isla markii uu xilkaasi qabtayba soo dhisay Xukuumad ay ku midaysan yihiin kana wada muuqdaan dhamaanba beelaha somaliland, islamarkaasina lagu soo dhisay shir weyne ay goob joog ka ahaayeen siyaasiyiin maanta Somaliland dhexdeeda ka yagleelay maamul goboleedyo laga aqoonsan yahay dawlada federalka Somalia oo uu ugu horeeyo Cali khaliif Galaydh.
Madaxweyne Marxuum Cabdiraxmaan Tuur xiligaasi beesha uu kasoo jeedo ee Habaryoonis oo kamid ah beelaha ugu tirada badan Somaliland gebi ahaanba golihii Xukuumadiisa waxa uu beeshiisa kasiiyey laba Xil oo keliya , xilalkaasi oo ahaa Wasiirkii wasaarada Dib udejinta iyo Wasiirka wasaarada beeraha oo kala ahaa siciid Maxamed Nuur “ilko maleh” Iyo Xasan Aadan Wadaad-diid.
Madaxweynihii labaad ee Somaliland taladeeda gacanta ku qabtay waxa uu ahaa Siyaasi Ruug cadaaga ahaa ee sida weyn saamaynta Togan iyo mida Taban’ba ku lahaa Siyaasada mandaqada Geeska afrika iyo Soomaalidaba Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, oo qabiil ahaan kasoo jeeda Beesha Isaaq/ Ciise muuse.
Madaxweyne Cigaal Alle haw naxariistee xili aan wax badan kaga duwanayn wakhtigii C/raxmaan Tuur qabtay talada dalka ayuu kusoo beegmay, waxaana Xukuumadiisi ka hor yimi mawjado iyo Xiisado hirdamaya oo ay hogaanka u hayaan jabhadii hubaysnayd ee SNM oo intooda badani hubka gacanta ku hayey iyo kooxo beeleedyo ah u kala fadhiyay haystayna hubkii rajiimkii Siyaad laga fara maroojiyay.
Markaan isna dul istaagno Madaxweyne Cigaal xilalka qaran ee beeshiisa uu kasiiyey Xukuumadiisa, Cigaal iyo Tuur waxay ka sinaayeen biseylka siyaasadeed ee ka horta ah nacaybka, Xigtaysiga, Xulufaysiga, Cunsuriyada iyo Caadifada ku salaysan.
Madaxweyne Cigaal xiligaasi bilow iyo dhamaad beeshiisa Ciise Muuse ka siiyay xukuumadiisa hal xil kaaso aan marleyba gaadhin darajada Wasiir Buuxa, ugu horeyn waxaa Marxuum Cigaal Beeshiisa u magacaabay wasiir kuxigeenkii Beeraha oo uu ka dhigay nin la oran jiray Cabdillaahi heneri, Mudo kadib kolkii xilkaasi Mudane Heneri ka dambeeyeyna, waxaa marxuum Cigaal sidoo kale Wasiir kuxigeenkii Qorshaynta Qaranka u magcaabay Mudane Axmed Maxamuud Baag oo buuxiyey jagadii uu beesha Ciise Muuse hore Xilkeeda uga hayey C/laahi Heneri.
Kolkaad fiiriso labadaasi Masuul ee xiliyadaasi u kala dambeeyey talada madaxtinimada Somaliland ma jirin wax agaasimayaal wasaaradeed ah oo beeloohda siiyeen sidoo kalena may jirin Cid taqaanay magacyada Caruurtooda, iyo kuwa la xididka ahba, xataa dhimashadoodi mooyaane lama aqoon marwooyinkoodi lagamana arki jirin fagaarayaasha iyo meelaha layska daawado.
Waxay labadooduba waxaynu odhan karaa waxay astaan u ahaayeen ka soo horjeedida taageerada Qabiil, iyo kala jeclaysiga iyo kala qolo-qolaynta bulshada. Cigaal iyo Tuur Alle haw naxariistee waxaa hogaamintoodii noqotay mid weli Quluubta shacabka reer Somaliland si weyn u xasuusato oo lama ilaabaan ah.
Daahir Rayaale Kaahin waxaa uu ahaa Madaxweynihii Sadexaad ee Somaliland, waxaanu qabiil ahaan kasoo Jeeday Beelweynta Gadabiirsi/Samaroon. madaxweyne Rayaale waxaa uu ahaa shakhsi u saaxiib ah dulqaad iyo deganaansho kana madax banaan shakhsinimo loo nisbeeyo qabyaalad iyo qoloba. Rayaale waxaa kaloo lagu xasuustaa soodhaweynta iyo midaynta dhamaanba beelaha Somaliland, Siyaasad ahaana waxaa u suurtagashay isku haynta iyo midaynta shacabka Somaliland oo aay isaga u gaar ahaayd arinkaa mideeynta bulshada reer Somaliland oo dhan aan nidhaahnee. Wuxuu meesha ka saaray shakigii in reerkastaa u siman yahay kursiga wadanka ugu sareeya.
Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin Xukuumadiisi oo ahayd mid cidkastaaba iska dhex aragto bulshada darafyada Somalilandna kuwada qanacsan yihiin tirada uu beeshiisa xil siiyey ay ahaayeen saddex wasiir oo keliya maadama beel ahaan iyo magac ahaanba ay lasiman yihiin beelaha kale ee Somaliland xilalka wasiiradaas oo kala ahaa. Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyigalinta Md. Axmed Xaaji Daahir Aw-Cilmi (Maxamedd Case-Samaroon), Wasiirka Xidhiidhka Golayaasha. Md. Cabdi Xasan Buuni (Habar-Carfaan- Samaroon). Wasiirka Macdanta iyo Biyaha, Md. Qaasin Sh. Yuusuf(Makaahiil-Samaroon).
Axmed Maxamed Maxmuud Siilaanyo Qabiil ahaan waxa uu ka soo jeedaa Beesha Isaaq/Habarjeclo, waana madaxweynihii afraad ee soo mara Somaliland, Axmed Siilaanyo ka hor intaanu gacanta ku dhigin kursiga madaxtinimada Somaliland oo uu ku fuulay Cod aqlabiyad ah oo shacabka Somaliland ku doorteen waxaa dadku u yaqaaneen beesha uu ka soo jeedaa kolka ay amaanayaan dadka kale ku oran jireen Siilaanyo waxa keliya ee uu ka madax banana yahay waa qabyaalada, mana aha nin qabiilkiisa ku gacansiin doono xaqdaro iyo boob hadii uu kursiga helo. Waxaa sidoo kale Beesha Madaxweynuhu kolkay Axmed Siilaanyo ka fogaynayaan xiligii ololaha ee uu mucaaridka ahaa ay hal-hays ka dhigan jireen,” Anaga beel ahaan waxaa waxtar iyo gacan siinba Siilaanyo nooga wanaagsan Saleebaan Gaal waayo saleebaan waa Qabiili, lakin Siilaanyo waa nin qaran, beri haddii uu helo Kursigana waad arki doontaan Habarjeclo hadaanu nahay waxaanu ka heli doonaa xukuumadiisa Kursi ama laba Kursi. Hadaba sugida xaqsiinta qalinka waxaad nala eegtaan maamulka Siilaanyona miisaanka Cadaaladeed iyo tirada madaxweyne Siilaanyo u xantoobiyay Beeshiisa.
1-Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada Xisri X. Cali Xasan
2-Wasiirka Wasaarada Dib udejinta Cali Siciid Raygal
3-Wasiirka Wasaarada Duulista Maxamuud Xaashi Cabdi
4-Wasiirka W. Macdanta iyo Khayraadka Xuseen Cabdi Ducaale
5-Wasiiru Dawlaha Waxbarashada iyo Tacliinta sare Axmed Nuur Faahiye,
6-Wasiir kuxigeenka Wasaarada Gaashaandhiga Jaamac Cabdilaahi Biin
7-Wasiir kuxigeenka Wasaarada Kaluumaysiga Maxamed X. Aadan Cilmi
8-Agaasimaha Guud ee Wasarada Caafimaadka Yuusuf Cali Ardo
9-Agaasimaha Guud ee Wasaarada Maaliyada Saleebaan Jaamac Diiriye
10-Agaasimaha Guud ee Wasaarada Khayraadka Biyaha Cabdirisaaq Jaamac Nuur
11-Agaasimaha Guud ee Hay’adda Dhawrista Tayada Cuntada Cali Biikolo
12- Maareeye Kuxigeenka Dekeda Berbera
13-Taliyaha Ciidamada Sirdoonka Somaliland
Tiro malaha Inta aan qoraal kala xishooday xilalkuu u siiyay Axmed Siilanyo beeshiisa balse waxaan shaki ku jirin hogaamin kasta oo talaabooyinkan oo kale hore u qaaday la ogaa halkaay mareen. Balse faalada iyo garsoorka cadaalada dawlada maanta idinkaan bulshooy idiin dhaafayaa.
Bal aynu dib u milicsano oo dhawr sadar ka soo qaadano halgamaagii afka hooyo, halyeeygii hadal Cadaanta Abwaan Marxuum Maxamed Xaashi Dhamac Gaariye, mansadiisi “Dib u laabo” wuxuu yidhi.
Sidaa saabad itaalka haddii aad amakaagday
ku ayaan badan tahee Aafo waa ta dambeysoo
ifa-faalaha muuqdiyo ishay leedahay maanta
waxba yaan af-gobaadine intay doonto ha gaadho
aramaa qarxi doonta.