Hargaysa,(Wajaalenews)- Waxa makhribkii caawa dil toogasho loo gaystay mid ka mid ah ganacsatyaasha waaweyn ee dhoofiya xoolaha nool oo uu toogtay askari ka tirsan ciidanka Booliska, ganacsadahani oo lagu magcaabo Xuseen Maxamuud Cawaale (Gacma dheere) ayaa saaka ka anbabaxay magaalada Hargysa oo sii raacay wasiirka caafimaadka xaglo toosiye waxana ay u anbab baxeen xarun caafumaad oo la dhagax dhigaayay aaga loo yaqaano Bali Cabane oo ah hawdlka gaar ahaan gobolka daadmadheedh.
Ganacsadahan ayaa waxa lagu toogtay markii ay soo socdeen aaga Qoton Dabo ee ay ku soo socdeen magaalada Hargysa, walina waxa la soo wadaa dhexda wararka ugu danbeeya ee helayso ayaa xaqiijinaaya in ganacsade Gacmo dheere uu u geeriyooday dhaawacaasi walina dhexda la soo wado, waxa sidoo kale la soo qabtay askariga gaystay dilkaasi oo isna loo soo wado dhanka magaalada Hargysa.
Wararka ugu ayaa intaa ku daray in mayd kiisii la keenay marxuunka magaalada Hargysa