“Boobka Iyo Lunsiga Maaliyadeed Ee Marwooyinka Madaxwaynayaasha Dalka Ceebtood Maaha Ee Waa Cadadood” Hargeysa
HARGEISA(Wajaalenews) -Qaarada Afrika Waa ta ugu musuqmaasuq iyo Hanti Lunsiga badan dunida taasina waa sababta keentay in wadamada soo koraya badankoodu ay noqdaan kuwo la liita hogaan xumo ka haysata maamulka oo inta badan qiimeeya dantiisa gaarka ah kana horumariya Danta Guud Ee loo Igmaday. Hadaba iyada oo ay taasi jirto waxaan halkan si hagar la’aan ah idiinku soo gudbin doonaa qormooyin taxane ah oo daaha ka rogaya musuqmaasuqa iyo hanti lunsiga maaliyadeed ee Marwada madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo ) sida Aan Ka Gabashada Lahayn U caadeysteen in ay hantida umada u adeegsadaan dano gaar ah.Waxa caado noqotay in qarankan cidii loo xilsaaarey ilaalinta hantida Umada ay noqotay mid iyadu u Adeegsata Dano Gaara, Arintanina Ay matalayso dhaqamadii dawladii Macangaga Ahayd Ee Maxamed Siyaad Bare ay lahayd taas oo si gaara loogu maamuli jiray hantida dadweynaha sifo gaara oo sharciga khilaafsan, loogana faa’iidaysan Jiray dan Shakhsi Ah. Maamulkii Faqashtu Markii uu Dalka Somaliya Ka Talin Jiray Ayaa Waxaa Dhici Jirtay In Masuulka Dawlada Xilka Ka Hayaa Aanu Wax hanti Ah Lunsan Karin Balse Si Uu Hantida shacabka U Boobo Waxaa uu adeegsan jiray Xaaskiisa Ama Qaraabadiisa oo uu hantida markaa uu dhisto magaceeda ku qori jiray marwadiisa Ama Qaraabadiisa Oo Maanta Tii mid la mida ay ka Socoto Ama lagu Arkay Dalkan Yar 24 Jirsaday Dhaqaale Sidaa U Sii Wayna aan Lahayn. Hadaba Dastuurka Jamhuuriyada Somaliland Qodobka 82aad Faqradiisa 9aad Waxaa uu qeexayaa In Madaxwaynaha Iyo Ku Xigeenkiisu Ay Diwaangaliyaan Hantida Ay Leeyihiin Marka Ay Ku Guulaystaan Hogaanka Dalka,Balse Taasi Ma Dhicin Madaxwayne Siilaanyo Ma Uu Diwaangalin Hantidiisa Markii Uu Ku Guulaystay Hogaanka Dalka 26June 2010Kii,Tanina Ay Noqotay Sababta Dad Badan Oo Madaxtooyada Ka Agdhaw Ama Qoyska Madaxwaynaha ahi Hantida Umada Uga Faa’idaystaan Dano Gaara. Qormadan waxa aan si qoto dheer ugu falanqayn doonaa guryaha marwada madaxweynuhu sida cad ee badheedhka ah uga dhisanayso suuqyada magaalada Hargeysa,marwada madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland Marwo Aamina Xaaji Maxamuud Jirde oo inta badan iyadu talada dalka gacanta ku haysa ayaa u badheedhay una tafaxaydatay sidii ay uga faa’iidaysan lahayd wakhtiga uu madaxweyne Siilaanyo ku fadhiyo kursiga ugu sareeya dalka. Marwadu waxa ay guri lacagta ku baxaysa lagu qiyaasay [shan milyan oo dollarka maraykanka ah $5,000,000] ka dhiseysaa Bartamaha Magaalo Madaxda Somaliland Ee Hargeysa , gurigani waxa uu ku yaalaa ama dhinaca galbeed ka xigaa (women’s club) dhinaca koonfurna waxaa uu ka xigaa dhismaha weyn ee cimaaratul- khayr .Dhismaha gurigan ee marwada madaxweyne Siilaanyo ku maal gallinayso cashuurta shacabka laga qaado ayaa lala Mataanaysiinayaa Hutel casri ah oo ku yaala caasimada dalka “Pakistan ee Islamabad”Kanina Uu Noqonayo Huteelkii Noociisa Ugu Horeeyay ee Dalka Laga Hirgaliyo mudadii Ay Somaliland Jirtay , dhismahan casriga ah ee Lacagta [shanta milyan ]ka badani ku baxayso ayaan hore loogu Arag Dalka Intii ay jirtay Somaliland,Musuq Ay U badheedhay Marwada Madaxwaynuhu Ayaanay Dadka Ku Dhaqan Reer Somaliland Ama Caasimada Hargeysa Inta Badan Aanay Ka Warqabin,Shacabka Ka Agdhaw Ama Jaarka La Ah Gurigan ayaa la anfariirsan Sida Foosha Xun Ee Marwada Madaxwaynuhu U isticmaalayso Hantida Shacabka. Iyagoo marka ay hadal hayaan guriganina yidhaahda “Alle Ayaa Kala Xisaabtami Boobka Hantida Umada Ay Hogaan U Yihiin”. Qalabka lagu dhisayo gurigan ayaa isaga oo Aan La Taaban Oo (More Garaysan) markabkii siday ku soo xidhay dekada magaalada berbera Bartamihii Sanadkii 2014kii iyadoo in ka badan toban “container “ oo ay ku jiireen qallabka gurigaasi lagu dhisaayay La keenay Magaalada Hargeysa.
Marwada Madaxwaynaha Ayaa Shaqaalaha Dhisaya Gurigani Badankooda Kasoo Kiraysatay Wadamada Kala ah Talyaaniga,Pakista Iyo Waliba Hindiya,Iyadoo Gabi ahaanba Iska Fogaysay Engineerada iyo Aqoonyahanada Dalka Ka Shaqeeya ,Cabsi ay ka qabto In shaqaaluhu uga waramaan Shacabka ay Hantidooda Ku Dhisanayso Guryo aan dalka hore looga dhisin,Sidoo kalena aynu Ognahay Shaqo la’aanta Baahsan Ee Dalka Ka Jirta,Gurigan Xaqa umada lagu dhisayo ayaa gabi ahaanba isagu aan lahayn (Architecture)-ka Loo Sameeyo Guryaha Casriga ee Lagu Farshaxameeyo wakhtiga uu socdo Dhismayaasha Casriga ee dalka ka socda, Sababta Gurigan loogu samayn waayay Sawirka laga raaco Qaabka Dhismaha Gurigaasina ay tahay Guriga oo u socda Si Tuuganimo Ah. Dhismahani dhulka uu ku fadhiyo oo ah mid aad u balaadhan ayaa hadana waxaa uu ku durkay dhismaha dhinaca bari ka xiga ee loo yaqaan (Women’s Club-ka) oo danguuda cid ka hadli kartaana aanay jirin badheedhka marwada madaxwaynuhu ku durugtay dhismaha taariikhiga ee ay usoo dhaaftay madaheedii. Geeska kale dhismahan marwada madaxwaynuhu ka wado faras magaalaha hargeysa ayaa ka kooban Saddex Dabaq Oo Isku Wareega Kana Dhismeen ugu yaraan 120 qol,boobka Hantida qaranka ee ay marwo Aamina Waris ku maalgalinayso Dhismahan ayaan ka qarsoonayn masuul kasta oo xilka ka haya dawlada,Halka marka aad waydiiso xaga laga keenay lacagta guriga iyo sida shacabka loogu soo bandhigi waayay hantida shacabka ee marwada madaxwaynuhu u adeegsanayso dhismahan,Waxaa ay kuugu jawaabayaan “Adeer iska dhaaf adigu marwadii hore ee Daahir Riyaalaba ee ( Hudda) waxaa ay Guryo ka Dhisatay Qaahira Ee Aamina Warisna Maxaa Diidaya ”………………..
La soco Qormooyinka Kale Sabti Kasta,Qormada Dambena Waxaanu Ku Falanqayn Doono Mushaharooyinka(Yoomka) iyo Cashuur Dhaafka ay Marwada Madaxwaynuhu Kusoo Dhawaysay Shaqaalaha Uga Hawl gala Guriga Ay Ku Dhisayso Cashuurta Shacabka.. “Ha Is Odhan Cidi Kuma Arkaysee Aqalo Jeexo, Ha Is odhan Cidi Kuma Arkaysee Afka Buuxso” Waanu Soo Dhawaynaysaa Cidkasta Oo Wax-nagu Kordhinaysa Ama Tafaasiil Dheeraada Naga Siinaysa Boobka Hantidda Qaranka Lagu Hayo Iyo Waliba Xogo Dheeraada Oo Ku Sahabsan Dhismahan.
Qalinkii WARIYE ILYEES CABDI DABLE