WAJAALE NEWS

Maxay Ku Kala Duwan Yihiin Go,aankii Samaale Ku Diiday Xilka Siilaanyo iyo Suuhdigii La Mariyay Siyaasiyiintii Ka Horeeyay.

Hargeysa(Wajaalenews)-Hadalheynta Go,aankii Wasiirkii hore ee Wasaarada

Maaliyada Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale, ku gacanseydhay

Xilkii loo magacaabay ee Wasaarada Waxbarashada ayaa, saamayn badan ku

yeelatey Guud ahaanba saaxada Siyaasada Somaliland dhinacyada bulshada

iyo falanqeynta Siyaasada ee xiligan iyadoo dadka intiisa

ugu badani aragti isku mid ah ka qaateen jawaabta uu ka bixiyay

diidmadiisa, oo marka la barbar dhigo Siyaasiyiin Misaan culus ku

lahaa Golaha Xukuumada oo Go,aanka Madaxweynaha xilka lagaga qaadey

iyo Siyaasiyiin kale oo markii hore tuhun adag laga qabey haseyeeshee,

aan marna qaadanin go,aan kan lamid ah.

Marka hoos loogu daadago Siyaasiyiinta kasoo jeeda Beesha Samaale,ee

lasoo shaqeeyay Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo waxa ay raga ugu

mudakarsanaa intooda badani kalsooni ka haysteen Madaxweyne

Siilaanyo,sida Maxamed Xaashi Cilmi oo markii xaajadu adkaatey soo

jeediyay in uu meesha ka baxayo laakiin Madaxweyne Siilaanyo u

jeediyay in aan laga maarmi karin islamarkaana, taa rumeystey,kana

baaqsadey Go,aankii saaxiibkii Dr Maxamed Cabdi Gaboose ka qaatey in

uu kamid ahaado Golaha Xukuumada,sidoo kalena ka baaqsadey qodobkii

nuxurka heshiiskii Xisbiga Kulmiye iyo Qaran oo ku saleysnaa in la

furi doono Guusha dabadeed loolankii ururada Siyaasada,oo Maxamed

Xaashi kamid ahaa ragii u fikirey in damcaasi ku jiro laakiin ka

jecleystey xilkii Wasaarada,isagoo aan fahmin mudadii uu Xukuumada

kujirey in ciriqyo kale ku lamaan yihiin Maamulka Madaxweynaha,

arintaas oo marka si adag loo dhugto uu fahmey Dr Maxamed Cabdi

Gaboose maadaama uu ahaa Maamulkii D/hoose ee dalka oo uu la kulmay

awaamiir,iyo codsiyo gaar ah oo badan kana baxsan kuwa

Madaxweynaha,waxaana horaantiiba saameeyay Maxamed Xaashi Cilmi

iskubadelkii u horeeyay ee Madaxweyne Siilaanyo ku qaado Golihiisa

Xukuumada,waxa kale oo soo raacay taasi in xubno Samaale lasoo galay

Golaha Xukuumada oo uu kamid ahaa Mujaahid Boobe oo uu calmadey

Madaxweyne Siilaanyo, isagoo xiligaa aaminay Boobe oo loo magacaabay

Wasiirkii Warfaafinta iyo Wacyigalinta,in aaney jirin habayaraatee cid

u dhaxayn doonta Madaxweyne Siilaanyo maadaama uu shaqadiisa ka

adkaa,taariikhdii halgakii Dureed ee SNM na lasoo qaatey Madaxweynaha

oo ahaa Gudoomiye mudo badan soo hogaamiyay halgankaasi iyo Ururkii

SNM laakiin khilaaf badan oo ka kacey Maamulkii Wasaarada loo

magacaabay marnaba Mujaahid Boobe ma uu fahmin halka uu dabada ku hayo

ciriqa nuxurka khilaafka soo noqnoqdey ee faragalinta

Wasaaradiisa,waxaanu Mujaahid Boobe marar badan u fahmey in

khilaafkani ay dabada ka wadaan Masuulyiin Xukuumada katirsan laakiin

saaxada Siyaasada ku cusub sida Wasiir Xirsi iyo rag badan oo ku

dambaabay waagaasi, haseyeeshee, waxay faham la,aanta ciriqa khilaafka

Wasaarada Warfaafinta kusoo noqnoqdey gayaysiisay in Xilkii laga qaado

Dhur cad isagoo aan ogayn halka laga abaarey, inkastoo aanu khalad ku

lahayn inaanu hore u fahmin hadana taasi waxey ku noqotey u qaadanwaa

iyo in lagu gafay shakhsiyadiisa isagoo cadaawad aadag u qaadey

Saaxiibkiisii Dureed ee Siilaanyo.

Waxa ku xigay Wasiirkii hore ee Siyaasada Arimaha Dibada mudada

diiriyay Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar, oo sida ay dadka qaarkii

sheegaan qeyb ka ahaa dadka sida xoogan u fahamsan ciriqyada ku lamaan

Maamukka Madexweyne Siilaanyo ee Xiligan iyo Hogaaminta Siyaasadiisa

saaxiibna la ah raga daaha dambe u taagan, Lasoco Qeybta

Sadexaad……………. iyo hordhaca Tixdan qeybta ka ah Gabaygii

Guba

 

 

 

Dhaqashiyo Mar bay Kaa Yihiin Dharagu Xaraane

Nin Dhirbaaxo Quudheed Dugsadey Dhaqayadeed Maal

Dhashaaday Dugsataa xaajadaad Dhowrataa abid,

Dumarkaan dhankii loo dhigiyo dhinacba diidayne,dhidigaashahaa lagu

arkiyo dhiiga caadade,hadaanay dhiilka caanaha laheyn laguma

dhaarteene,wax ka dhigan gobtii dhowrsataan ceeb ka dhiidhiyin,bal

dhex mariya Reer Wabi inuu dhaamo ba xawaadle,ogaadeenka

dhaanteynayiyo Dhugadna gaadhsiiya.

Cabdiraxmaan Nuux Axmed(hiiraan)

Email:hiiraan2007@gmail.com

Exit mobile version