|
|||||
WAJAALE NEWS
Maxay Ku Kala Duwan Yihiin Go,aankii Samaale Ku Diiday Xilka Siilaanyo iyo Suuhdigii La Mariyay Siyaasiyiintii Ka Horeeyay.
March 5, 2015 - Written by Editor:Hargeysa(Wajaalenews)-Hadalheynta Go,aankii Wasiirkii hore ee Wasaarada Maaliyada Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale, ku gacanseydhay Xilkii loo magacaabay ee Wasaarada Waxbarashada ayaa, saamayn badan ku yeelatey Guud ahaanba saaxada Siyaasada Somaliland dhinacyada bulshada iyo falanqeynta Siyaasada ee xiligan iyadoo dadka intiisa ugu badani aragti isku mid ah ka qaateen jawaabta uu ka bixiyay diidmadiisa, oo marka la barbar dhigo Siyaasiyiin Misaan culus ku lahaa Golaha Xukuumada oo Go,aanka Madaxweynaha xilka lagaga qaadey iyo Siyaasiyiin kale oo markii hore tuhun adag laga qabey haseyeeshee, aan marna qaadanin go,aan kan lamid ah. Marka hoos loogu daadago Siyaasiyiinta kasoo jeeda Beesha Samaale,ee lasoo shaqeeyay Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo waxa ay raga ugu mudakarsanaa intooda badani kalsooni ka haysteen Madaxweyne Siilaanyo,sida Maxamed Xaashi Cilmi oo markii xaajadu adkaatey soo jeediyay in uu meesha ka baxayo laakiin Madaxweyne Siilaanyo u jeediyay in aan laga maarmi karin islamarkaana, taa rumeystey,kana baaqsadey Go,aankii saaxiibkii Dr Maxamed Cabdi Gaboose ka qaatey in uu kamid ahaado Golaha Xukuumada,sidoo kalena ka baaqsadey qodobkii nuxurka heshiiskii Xisbiga Kulmiye iyo Qaran oo ku saleysnaa in la furi doono Guusha dabadeed loolankii ururada Siyaasada,oo Maxamed Xaashi kamid ahaa ragii u fikirey in damcaasi ku jiro laakiin ka jecleystey xilkii Wasaarada,isagoo aan fahmin mudadii uu Xukuumada kujirey in ciriqyo kale ku lamaan yihiin Maamulka Madaxweynaha, arintaas oo marka si adag loo dhugto uu fahmey Dr Maxamed Cabdi Gaboose maadaama uu ahaa Maamulkii D/hoose ee dalka oo uu la kulmay awaamiir,iyo codsiyo gaar ah oo badan kana baxsan kuwa Madaxweynaha,waxaana horaantiiba saameeyay Maxamed Xaashi Cilmi iskubadelkii u horeeyay ee Madaxweyne Siilaanyo ku qaado Golihiisa Xukuumada,waxa kale oo soo raacay taasi in xubno Samaale lasoo galay Golaha Xukuumada oo uu kamid ahaa Mujaahid Boobe oo uu calmadey Madaxweyne Siilaanyo, isagoo xiligaa aaminay Boobe oo loo magacaabay Wasiirkii Warfaafinta iyo Wacyigalinta,in aaney jirin habayaraatee cid u dhaxayn doonta Madaxweyne Siilaanyo maadaama uu shaqadiisa ka adkaa,taariikhdii halgakii Dureed ee SNM na lasoo qaatey Madaxweynaha oo ahaa Gudoomiye mudo badan soo hogaamiyay halgankaasi iyo Ururkii SNM laakiin khilaaf badan oo ka kacey Maamulkii Wasaarada loo magacaabay marnaba Mujaahid Boobe ma uu fahmin halka uu dabada ku hayo ciriqa nuxurka khilaafka soo noqnoqdey ee faragalinta Wasaaradiisa,waxaanu Mujaahid Boobe marar badan u fahmey in khilaafkani ay dabada ka wadaan Masuulyiin Xukuumada katirsan laakiin saaxada Siyaasada ku cusub sida Wasiir Xirsi iyo rag badan oo ku dambaabay waagaasi, haseyeeshee, waxay faham la,aanta ciriqa khilaafka Wasaarada Warfaafinta kusoo noqnoqdey gayaysiisay in Xilkii laga qaado Dhur cad isagoo aan ogayn halka laga abaarey, inkastoo aanu khalad ku lahayn inaanu hore u fahmin hadana taasi waxey ku noqotey u qaadanwaa iyo in lagu gafay shakhsiyadiisa isagoo cadaawad aadag u qaadey Saaxiibkiisii Dureed ee Siilaanyo. Waxa ku xigay Wasiirkii hore ee Siyaasada Arimaha Dibada mudada diiriyay Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar, oo sida ay dadka qaarkii sheegaan qeyb ka ahaa dadka sida xoogan u fahamsan ciriqyada ku lamaan Maamukka Madexweyne Siilaanyo ee Xiligan iyo Hogaaminta Siyaasadiisa saaxiibna la ah raga daaha dambe u taagan, Lasoco Qeybta Sadexaad……………. iyo hordhaca Tixdan qeybta ka ah Gabaygii Guba
Dhaqashiyo Mar bay Kaa Yihiin Dharagu Xaraane Nin Dhirbaaxo Quudheed Dugsadey Dhaqayadeed Maal Dhashaaday Dugsataa xaajadaad Dhowrataa abid, Dumarkaan dhankii loo dhigiyo dhinacba diidayne,dhidigaashahaa lagu arkiyo dhiiga caadade,hadaanay dhiilka caanaha laheyn laguma dhaarteene,wax ka dhigan gobtii dhowrsataan ceeb ka dhiidhiyin,bal dhex mariya Reer Wabi inuu dhaamo ba xawaadle,ogaadeenka dhaanteynayiyo Dhugadna gaadhsiiya. Cabdiraxmaan Nuux Axmed(hiiraan) Email:hiiraan2007@gmail.com Related posts:DEG DEG: Xeer Ilaaliyaha Guud Ee Somaliland oo Shaaciyey Masuuliyiinta Musuq-maasuqa Loo Haysto Warbixin Sheegtay In Xukuumada Madaxwayne Siilaanyo Tahay Tii Ugu Musuqa Iyo Qabyaaladda Badnayd Ee ... Ganacsade Jaamac Oomaar Oo Deeq Raashin ah Gaadhsiisay 1000 Qoys Oo kamida Dadka Abaaruhu Saameeyee... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|