DIL-DILLAACII XUKUUMADDA KULMIYE OO NOQDAY DAAHIR-YAA SHAMIS
Hargeysa(Wajaalenews)-Waxa markii u horreysay ficiladda Xukuumadda iyo Xisbigeeda KULMIYE ka marag-kaceen in khilaaf-siyaasadeed ka jiro gudahooda, arrimahaasoo markii hore ahaa kuwo hadal-hayntoodu ku ekayd Fagaareyaasha lagu faaqido siyaasadda iyo goobaha bulshadu ku kulanto, oo jiritaankoodu ahaa mid markhaati cad aan loo hayn oo bilaa daliil ah, ayaa waxay si dhab ah u hor-yimaadeen hoggaamiyeyaasha Siyaasada iyo bulshada rayidka ah Khamiistii Shalay (12/03/2015), waqtigaasoo ku suntanaa qabashadda Xaflad Xukuumadda iyo Xisbigeedu ugu talo-galeen inay iskaga caabiyaan masuuliyadda eedo sharci oo Xisbiyada Mu’caaridku usoo jeediyeen, iyo sidoo kale weedho hanjabaad ah oo isbahaysiga Mucaaridku Shardi uga dhigay haddii Doorashadu ku qabsoomi weydo waqtigeedii oo ku beegan 26/06/2015.
Haddaba, dhacdadan sida tooska ah u iftiimisay kala qeybsanaanta Xukuumadda iyo Xisbiga KULMIYE oo ahayd mid soo if-baxeedu aanu ku iman ku talogal, waxa Hal-mar Kaadiriinta, Taageerayaashii Madasha ku sugnaa iyo Siyaasiyiinta Mucaaridka ah iyo bulshadu ku wada baraarugeen, kadib markii Shalay laga waayey Fagaaraha Madashii xubno isugu jiray Wasiirro iyo Xildhibaanno miisaan culus ku lahaa talada dalka, sidoo kale-na aan dabadood la furi jirin, lana xidhi jirin jaan-goynta dhaq-dhaqaaqyadda-siyaasiga ah ee soo wajaha Xukuumadda iyo Xisbigeeda.
Xubnaha minqi-yaaskoodu sidaa ahaa balse aan ka muuqan Fagaaraha Siyaasadeed ee Xukuumadda iyo Xisbigeeda, waxa ka mid ahaa Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Md. Xirsi Cali Xasan, Wasiirkii hore ee Wasaaradda Maaliyada Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale, Wasiirka Hawlaha-guud Md. Cabdirisaaq Khaliif, Wasiirka Caddaalada Md. Xuseen Axmed Caydiid, Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Sheekh Khaliil, Wasiirka Khaarajiga Md. Maxamed Biixi Yoonis, Wasiirka Shaqada Md. Cabdi Aw Daahir, Wasiirka Warfaafinta Md. Cabdillaahi Cukuse, Wasiirka Dib-u-dejinta, Wasiiru-dawlaha Madaxtooyada Md. Maxamed Muuse Abees, Wasiir-ku-xigeenno badan, Wasiiro hore oo uu kamid yahay Wasaarada Wershadaha Md. Abiib Timacad iyo Xildhibaanno ka tirsan Golaha Wakiiladda oo aynu ka xusi karno Xildhibaan Cabdillaahi Balaaki.
Ka maq-naanshaha Madasha Shalay ee Masuuliyiintan, ayaa marag-fur u ah in xubnahan lagaga awood roonaaday loollankii u dhexeeyey garabkooda iyo isbahaysiga ‘Bidix-dhexe’ ee ay kala hoggaamiyaan Guddoomiye Muuse Biixi iyo Wasiir Duulista Maxamuud Xaashi, sidoo kale, Fagaarahaa Shalay waxa sida Mu’raayada looga daawaday xaqiiqada Wararka iyo hadal-haynihii ku saabsanaa in talada qabashada Xafladdii Shalay go’aamiyey ay keli ku ahayd xubnaha garabka ‘Bidix-dhexe’ iyo kuwa isbahaysigooda taabacsan. Sidaa darteed aan aan talada waxba laga siin, waxna laga weydiin xubnaha garabka ka kooban Wasiirada, Xildhibaanno, Wasiirro hore iyo xubnaha Mutaabaca u ah garabka “Midigta-Fog” ee uu hoggaamiyo Wasiirka Madaxtooyadu.
Docda kale, abaabulka Xafladan iyo qabsoomideedu waxay kaloo ay daaha ka qaadeen kala qeybsanaanta Siyaasiyiinta Xisbiga KULMIYE iyo Xukuumadda, iyo sidoo kale in Qasriga Madaxtooyadu door ku leeyahay kala qeybsanaanta Siyaasiyiinta reer KULMIYE, hase-yeeshee badhna Xukuumadda xilal ka hayo, qaar kale-na weli ku jeeni-qaaran yahay Astaantii Xisbiga KULMIYE, isla markaana Qasriga Madaxtooyadu uu la kala safan yahay labadaa garab ee loollanku ka dhexeeyo. Wallow Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland aanu Madasha kasoo xaaridin Shalay, taasoo dadka qaarkood ku fasirteen in Madaxweyne Siilaanyo dhex-dhexaad ka yahay loollanka iyo kala fikir-duwanaanshaha ku timi Siyaasiyiintii Shalay garbaha u ahaa, iyagoo mid ah, balse hadda sidii Adhi Weere galay kala jiho u did noqday, hadana taas bedelkeeda waxa dareenkaas shiiqiyey ka qayb-galkii Madasha ee Marwada Madaxweynaha, taasoo Iyana dadka qaar u micnaystay in Madaxweynaha iyo Marwadiisu ku kala aragti duwan yihiin khilaafka iyo murranka Siyaasiga ah ee ka dhex oogan Siyaasiyiinta ku wada abtirsada KULMIYE, balse ku kala jira Xukuumadda iyo Xisbul-xaakimka.
Si kasta ha ahaatee, dil-dilaaca iyo khilaafkan soo if-baxay ee Xukuumadda iyo Xisbigeeda KULMIYE, oo runtiii ah mid in badan soo taagnaa, mararka qaarna aan ka dhacayn sida Bambo qarxiyihii laga saaray balse weli aan la tuurin, hase-ahaatee haatan sida xaalku Maanta yahay u eg mid gacantiina ka baxay, ayaa marka la isku gee-geeyo sooyaalka khilaafkan kala irdheeyey Siyaasiyiintii Shalay xulafada ahaa iyo halka xumada khilaafku haatan gaadhay, waxa lagu fasiri karaa inuu wiiqmay Cuddudii iyo Laxaadkii Xukuumadda iyo Xisbigeeda KULMIYE ay xiliyada qaarkood ku goodiyi jireen, taasoo haddii aanay xal deg-deg ah u helin wiiqi karta rajadoodii Siyaasadeed ee mustaqbalka iyo awoodihii ay ku meel marsan lahaayeen mabaadiidooda, sida muddo-kordhinta iyo arrimo kale oo hadda taagan oo meel marintoodu ku xidhan tahay midnimadooda, isla markaana loollankani sii kala dhantaali karta habsami u socodka masuuliyaddii uu Qaranka u hayey Maamulka Madaxweyne Siilaanyo.
xigasho:wargeyska yool