WAJAALE NEWS

Maamulka Gobolka Saaxil Oo Suxufiyiin Ku Xidhay Berbera

Berbera(Wajaalenews) maanta, ayaa magaalada Berbera lagu xidhay laba wariye oo Gobolka saaxil uga soo warama telefishannada Startv iyo Royaltv. Wariyeyaasha ayaa kala ah Cabdiraxmaan Maxamed Cige oo ka hawlgala TV-ga Royal iyo Mubaarig Cismaan Siciid(Nirig) oo ka hawlgala Star TV.

Ilaa hadda masuuliyiinta heer gobo lee Saaxil ma caddayn sababta loo xidhay wariyeyaasha hase ahaatee Gudoomiyaha Gobolkak Saaxil Fahmi Cabdi Bidaar, oo isagoo Hargeysa ku sugan warbaahintu waydiisay sababta xadhiga labada suxufi ayaa ku jawaabay inaanay ahayn arrin isaga u taala islamarkaana waxa uu jikaar kala hor yimid suxufiyiinta “Hawl ii taala maaha, haddaan ogahay iyo haddii kaleba” ayuu yidhi Gudoomiyuhu isagoo la sii waydiiyay sababtana waxa uu yidhi “dee waa xidhan yihiin, way xidhan yihiin…waxaa lagu xidhay dambi ay galeen” ayuu yidhi Fahmi Cabdi Bidaar, isagoo dambiga suxufiyiinta la sii waydiiyayna waxa uu yidhi “Website-yada ka akhrista dambigay galeen..dambigay galeen website-yada ayay ku cad yihiin dambiga ay galeene Website-yada ka akhrista, waana mahadsan tihiin” ayuu yidhi Badhasaabku.

Wararka saxaafaddu helayso ayaa sheegaya in Amarka xadhiga wariyeyaashan uu bixiyay ku xigeenka badhasaabka Xaamud Xuseen Cabdillaahi oo dhawaan xilkaasi loo magacaabay. Wararku waxay intaasi ku darayaan in suxufiyiinta loo haysto warbixino ay Shalay ka soo direen Gudoomiye cusub oo Waddani gobolka u soo magacowday, islamarkaana shalay si weyn looga dareemay soo dhaweyntiisa Berbera, soo dhaweyntaasi oo maamulka Gobolku aanu la dhacsanayn.

Muddooyinkii u dambeeyay waxaa soo noqnoqday xadhiga wariyeyaasha ee Gobolka Saaxil, iyadoo Xukumadda Siilaanyo lagu tiriyo inay Dhaawacday Xorriyadda Saxaafadda oo Somaliland hore ugu caano maashay islamarkaana ilaa hadda laba wargeys u xayiran yihiin, wariyeyaashii ugu badnaana Xukumaddu xidhay.

 

Exit mobile version