WAJAALE NEWS

Hot News:Beesha Madaxweyne Siilaanyo Oo Caawa Madaxtooyada Kaga Tashanaysa Xukuumadan Noqotay Tusbax Furtay

BEESHA SIILAANYO
Hargeysa(W.N):Beesha madaxweyne axmed siilaanyo oo ay hor kacayaan Gudoomiyaha golaha guurtida saleeban gaal muj  Gudoomiye kuxigeenka xusbiga kulmiye maxamed kaahin axmed,xildhibaan cali mareexan  iyo qarkamida wasiirada lama taabtaanka ah  iyo xubno ganacsato ah ee ka soo jeedaa beeshaasi ayaa caawa ilaa hada ku leh madaxtooyada shir ay kaga arinsanayaan xukuumada madaxweyne siilaanyo ee tusbaxa furtay noqotay iyo wasaaradahan lagu cidleeyey.
Ma jiraan warar rasmi ah oo ka soo baxay shirkaasi balse sida ay sheegayaan ilo lagu kalsoon yahay ayaa ah in siilaanyo iyo beeshiisu ku jaahwareersan yihiin talada ay ka gaadhi lahaayeen fashilaadan ku timid xukuumadiisa ,fashilaadaasi oo ka dhalatay isku shaandhayntii dhawaan ay sameeyeen marwada aamina weris iyo wiilka ay sodohda u tahay ee baashe moorgan.
Kadib markii talo aan la dacaamin oo aanu madaxweyne siilaanyo ogeyn lagu gaadhay in laga takhaluso wasiirkii hore ee maaliyada cabdicasiis maxamed samaale ayaa waxaa soo ifbaxay dildilaac iyo burbur ku yimi xukuumada uu hogaamiyo axmed maxamed maxamuud siilaanyo waxaana maanta sida aad ka warqabtaan is casilay wasiirkii labaad ee warshadaha abiib timacad iyadoo saacadaha soo socdana la filayo raxan wasiiro ah oo iyaguna is casila waxayna beesha iyo siilaanyo tashwiishka ku keenay iyagoon hore uga tashanba sida ay yeeli doonaan xukuumad samaale ka maqan yahay
Sikastaba ha ahaatee arintan ayaa u muuqata sidii wakhtigii Xukuumadii CABDIRAXMAAN TUUR iyo tii Daahir rayaale ee ay iska casileen raxanta wasiirada ah ee ka soo jeeday inta badan beesha madaxweyne siilaanyo waana nabsigii ilaa hadana shirka ayaanay ka soo bixin wax talo ah oo la isku waafaqaa waxaana la rajaynayaa in caawa isku shaandhayn labaad ay sameeyaan beesha siilaanyo iyo baashe
Waxii warar ah ee ka soo kordha shirkaasi kala soco wajaale news

Exit mobile version