WAJAALE NEWS

Ganacsade Cabdiraxmaan Boore oo Madaxweynaha Jabuuti ugu baaqay wadahadal Geed hoostii, markii uu ku guulaystay Dacwad lagu oogay

London, (Wajaalenews)- Ganacsadaha reer Jabuuti ee Cabdiraxmaan Boore, ayaa markii ugu horreysay sheegay inuu si gacmo-furan ah ugu baaqayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle inay wadahadal ka yeeshaan khilaafka dhexdooda oo gaadhay heer lagaga garnaqo Maxkamado caalami ah, isla markaana Isniintii ay go’aan ka soo saartay Maxkamad ku taalla waddanka Ingiriisku Kiis loo haystay oo Argaggixisannimo iyo xayiraad saarnayd Hanti Lacageed oo Baanan kala duwan oo dunida ah ugu jirtay.

 

Ganacsade Booro oo ay Madaxweyne Geelle isku jiidheen arrimo siyaasadeed, ayaa Maxkamadda waddanka Jabuuti hore ugu ridday Xukun ah inaanu soo geli karin guud ahaan dalka Jabuuti ee uu dambiile ka yahay, isla markaana ay Hantidii uu dalka gudihiisa ku lahaa dawladdu la wareegtay. Waxaanay dawladda Jabuuti Dacwado ka dhan ah ka furatay dalalka Ingiriiska iyo Faransiiska, waxaana ugu dambeeyey Dacwadda kaga socotay dalka Maxkamadda ku taalla Ingiriiska, taasoo burisay eedo loo sameeyey oo la xidhiidhay inuu argaggixiso abaabulay.

Cabdiraxmaan Boore, waxa uu ka hadlay sidii go’aanka Maxkamaddu u dhacay Isniintii toddobaadkan ee 23-kii bishan March ee aynu ku jirno, isagoo waraysi siiyey Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da, waxaana ugu horreyn la weydiiyey Kiisaska argaggixiso ee loo haystay iyo xayiraadda hantidiisa waxay Maxkamaddu ka tidhi, waxaanu yidhi; “Taa waa la kala saaray oo waxay soo socotay arrintani sannad iyo siddeed bilood, xukunkii ugu dambeeyeyna shalay (dorraad) buu dhacay, boqolkiiba boqol taasi way dhammaatay oo xataa liiskii ay igu dareen ee Booliska adduunka (Interpol) qasab bay ku noqotay inay iga saaraan, Maxkamadda Ingiriiskuna waxay sheegtay qorshe ay Jabuuti dejisay inay Maxkamadda been u sheegaan, taasina way ku caddaatay oo Xukunkaasi inaanan anigu shaqo ku lahayn ayuu caddeeyey, aad baanan ugu faraxsanahay.”

“Horta guushu waa laba shay, midi waxa weeye tii Lacagtana waa la ii fasaxay, tii kale ee Argaggixisadana wax jira maaha. Maxkamadda waxa lagu haystaa Garyaqaankii Jabuuti metelayay inuu been u sheegay Maxkamadda Ingiriiska, isla markaana shaqada laga joojiyey, aniguna aan weliba anigu aan fursad leeyahay haddaan rabo inaan Maxkamadda dacwaddooda ka bilaabo oo dhammaan Xabsiga la geeyo.” Sidaa ayuu yidhi Cabdiraxmaan Boore oo su’aal kale laga weydiiyey Hantidiisa xayirnayd.

Cabdiraxmaan Boore oo la weydiiyey go’aanka shaqsiga ah iyo qorshaha kan u xiga, waxa uu ku jawaabay; “Wallaahi anigu Shaqsi ahaan waxaan doonayaa inaan runta sheego. Runtu waxa weeye anigu waan daalay, dawladda Jabuuti-na way daashay, Madaxweynaha Jabuuti-na arrintan wuu ka daalay, dantaydana maaha in Maxkamaddani ay sidaas ku socoto, danta Madaxweynaha Jabuuti-na maaha, danta dalka Jabuutina maanta dantooda maaha. Sababta oo ah Kharashka badan ee aannu Garyaqaannada ama Qareennada ku bixinayno maaha wax ay reer Jabuuti qaadi karayaan, Kharashkan dalkaa u baahan.”

“Anigu gacan furan ayaan doonayaa inaan u fidiyo Madaxweynaha Jabuuti inaannu wadahadal immika bilawno, oo aan soo dhawaynayo si walaalnimo ah sidii aannu u heli lahayn xal. Annagu dhaqan baannu lahayn, inaannu Geed hoos-fadhiisanno oo waxan xallinno ayaa ka fiican intii aannu meelahan isku jiid-jiidan lahayn.” Sidaa ayuu yidhi Ganacsade Cabdiraxmaan Boore.

Ganacsade Boore oo ka jawaabayey hammigiisii siyaasadeed ee salka u ahaa khilaafka isaga iyo Madaxweynaha Jabuuti u dhexeeya ee heerkan soo gaadhay inuu ka hadhay iyo in kale, waxa uu yidhi; “Anigu immika waxaan doonayaa inaan Maxkamaddan iyo waxan uun xalliyo, Siyaasaddu wakhti bay iska leedahay. Markaa, immika ahaan ahmiyadda ugu horreysaa waxa weeye sidii aan u badbaadin lahaa Reerkayga iyo dhibaatadan badan. Immika waa shan sannadood inta aan dhibaatadan wayn ku jiray ee habeen iyo maalin aan iska ilaalinayey in la I qabto.”

Waxa uu Ganacsade Cabdiraxmaan Boore oo jawaabta su’aashaas sii wadaa yidhi; “Kolkaa arrintaa inaannu si fiican u fahanno oo u qiimayno ayaan jecelahay. Siyaasaddu dad bay iska leedahay, wakhti bay leedahay, markaa anigu Siyaasadda inaan Dhaqaalaha Kobciyo ayaan ka jecelahay oo aan dhaqaajiyo oo wixii aan ku dari karo ku daro dalkayga, waayo dalkaygu wuu ii baahan yahay, aniguna dalkayga waan u baahanahay.”

“Waxa dhiman arrin Ganacsi, waxa uu kiisku ahaa Argaggixiso, Dembiile-nimo iyo Ganacsiga, markaa, xukunkii Jabuuti, kii Faransiiska iyo Kan Ingiriiska ayaa la isku wada daray, isla markaana way adag tahay inay reer Jabuuti fahmaan sida ay Maxkamaddani u shaqayso, markaa is-raacintooda ayaa dhiman.” Sidaa ayuu yidhi Cabdiraxmaan Boore oo ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey waxa illaa hadda ka dhiman Kiisaska loo haystay.

Exit mobile version