WAJAALE NEWS

Dameero Lagu Xardhay Heerka Musuqmaasuqu Ka Marayo Kenya Oo Jidadka Nairobi Lagu Soo Daayay+Sawirro

Nairobi(Wajaalenews) Dameero iyo Dameer farowyo lagu muujinayo sida bulshada Kenya uga cabanayso Musuqmaasuq ay ku kacayaan Madaxda dawladdu ayaa lagu soo daayay Wadooyinka Magaalada Nairobi.

Ilaa 5 Dameero iyo dameer farowyo iskugu jira oo dusha rinji laga mariyay sidoo kalena lagu dul qoray hal ku dhigyo ay ka mid yihiin “Kenya waxaa qalajinaya Musuqmaasuq” ayaa dawladda hoose ka ururisay Jidadka. Waxaa sidoo kale lagu xusay qoraalada inuu jiro tacadiyo haweenka ka dhan ah.

Waxaa la rumaysan yahay in Ololeeyayaal Rayid ah oo bulshada u iftiimiya heerka Musuqmaasuqu ay sameeyaan arrintan, islamarkaana dareenka Bulshada ku muujiyeen Dameeraha.

Saxaafadda Kenya, ayaa si weyn u baahisay Warbixinta Dameerahan iyadoo Bulshaduna baraha ay ku kulanto ku falanqaysay dhacdadan iyo sawirrada laga qaaday Dameeraha.

sabtidii, Madaxwayne Uhuru Kenyatta wuxuu shaqada ka hakiyay afar xoghayayaal ka tirsan golaha wasiirada, ilaa inta uu socdo baadhitaan lagu samaynayo wax isdaba marin dhinaca maaliyadda ah.

 

Exit mobile version