HARGEISA(Wajaalenews) Shacbiga Somaliland ayaa dareen qiimo badan oo aad u sareeya ku qaabilay weftigii uga qaybgalay shirkii Somaliland iyo Somaliya ee Turkiga, ee uu maamulka muqdisho carqaladeeyey ka dib markii ay u adeegsadeen, xubno calooshooda u shaqaystayaal ah oo Somaliland kaga maqan baxsad siyaasadeed, balse ay somaliya werwer ay ka qabto in Somaliland kaga guulaysato wada hadaladaasi ay uga baxeen xubnihii Xamar.
Waftigan ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay iyadoo si balaadhan loogu soo dhaweeyey Madaarka Cigaal International Airport ee Magaalada Hargeysa, Dadweyne aad u tiro badan oo isugu jiray Salaadiin, Boqoro, Cuqaal, Xubno Kamida Golaha Wasiirada, Golayaasha Baarlamanka, Guurtida, Deegaanka, iyo Dhalinyaro aad u badan kuwaas oo sitay Calamaan iyo Boodhadh ay ku qaran yihiin hal ku dhigyo ay ku muujiynaayeen cushuurtooda wadannimo.
Waftigan balaadhan ee ku maqnaa dalka Tukriga ayaa la filaayey inay ka qeyb galaan wada hadalo uu Dalkaasi dhex dhexaadinaayey kuwaasi oo ay Jamhuuriyada somaliland kusoo hor fadhiisan lahayd Maamulka muqdisho ee Somaliya, hase ahaatee waftiga somaliland ayaa ganafka ku dhuftay inay hor fadhiistaan waftiga somaliya, ka dib markii ay soomaaliya waftigeeda kusoo dartay xubno dhalasho ahaan kasoo jeeda Somaliland, balse u shaqo tegay xamar, waxaanay xubnaha somaliland si adag ugu sheegeen Turkiga iyo Soomaaliya inaanay marnaba hor fadhiisanayn cid kasoo jeeda deegaanadooda, uguna jira liiska denbiileyaasha.
Ka dibna waxay weftigu u soo duuleen dalkooda hooyo ee Somaliland markii ay diyaaradu soo cago-dhigatay Madaara Cigaal International Airport, waxaa halkaasi soo dhaweyn balaadhan oo kal iyo laab ah ku soo dhaweeyey mid midna u gacan qaaday dad weynihii halkaasi ku sugnaa, waxaana markii qolka VIP-da la gaadhay warbaahinta kula hadlay Wasiirka Wasaarada Arrimaha dibeda Jamhuuriyada Somaliland, Maxamed Biixi Yoonis, oo ku hadlaayey afka Waftiga, ayaa sheegay in dawlada xamar iyo dawlada turkigaba ay shuruud kaga dhigeen inaanay shirkaasi fadhiisanayn Somaliland, hadii ay dhanka xamar ku jiraan xubno dhalasho ahaan kasoo jeeda Somaliland ayna gaadheen qaraar sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay inaanay Somaliland mar danbe ka qeyb galayn wadahadalo lala yeesho dawlada xamar, inta ay adeegsanayaan calooshooda u shaqaystayaasha ku abtirsanaaya Somaliland.
Waftiga ayaa markii danbe loo soo galbiyey dhanka Madaxtooyada JSL, intii ay ku soo jireen jidadka caasimadana waxa salaan sharaf ciidan ay ka qaateen ciidamada kala duwan ee dalka Somaliland, waxaanay socod lug ah ku marayeen wadooyinka caasimada inta ugu mashquulka badan weftigu iyada oo ay hareero socdaan kumanaan shacbiga Somaliland ka mid ah, iyagoo waftiguna dadkaasi gacan tag u fidiyey, islamarkaana goobaha qaar kula hadlay shacbiga una sheegay inay qaadeen shucuurtooda iyagoo sidana ay la tageen wadankaasi Turkiga, oo aanay marnaba ku talaabsan wax qaranka dhabar jab ku ah, balse ay ku talaabsadeen wixii shacbiga iyo xukuumadu isla qaateen markii aynu la soo noqonay madaxbanaanideena wax iska bedelayna aanay jirin in la adkeeyo mooye.