WAJAALE NEWS

DAAWO;Nuxurka Qodobo Isbahaysiga Mucaaradku Ka Soo Saaray Dib U Dhaca Doorashooyinka Somaliland

Hargeysa(Wajaalenews)-Isbahaysiga Mucaaradka(Waddani,Ucid iyo Madasha wadatashiga), ayaa soo saaray qodobo ay kaga talo bixinayaan waxa uga qorshaysan dib u dhaca doorashada Somaliland ku yimid, kadib go’aankii Guddida doorashadu ku sheegtay inay bisha July bilaabi doonaan diwaangalinta codbixiyeyaasha. Kulan ay ku yeesheen Hotelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa, ayaa saddexda dhinac saxaafadda ugu soo bandhigeen qodobo u badan baaq oo ku wajahan Qorshahooda Dib u dhaca doorashada.

http://youtu.be/b1lWbZJzFmQ

Musharax ku xigeenka Xisbiga Ucid Cabdirashiid Xasan Mataan, ayaa saxaafadda u akhriyay Qodobada waxaanay u dhignaayeen sidan:-isbahaysiga mucaaridka

Muddo dhaafku waa Madaxtooyada iyo Golaha wakiilada labadaba, sidaas darteedna isbahaysiga Mucaaradku wuxuu ku baaqayaa in Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo hogaanka u qabto Shir wada tashi ah, oo lagaga arrinsado hogaanka dalka gaadhsiin lahaa muddo xileedka u dhexeeya 26-06-2015 ilaa maalinta doorashadu dhacayso. Isbahaysiguna waxa uu ugu baaqayaa Shacbiga Gobolada iyo degmooyinka inay u midoobaan qabsoomida shirka qaran kana hor tagaan caqabad kasta oo ka hor iman karta;

Maadaama aan lagu kalsoonaan karrin ciddii fashilisay in doorasho inoo qabsoonto, Isbahaysigu wuxuu caddaynayaa in Haddii uu Mudane Siilaanyo diido Shirka wada tashiga, waxay Isbahaysigu ku dhawaaqayaan Shirka kala tashiga oo dhici doona bisha April ee 2015-ka.

Isbahaysiga Mucaaradku waxay uga digayaan golaha guurtida inay sameeyaan Muddo kordhin xaaraan ah oo aan la aqbali doonin, oo keeni karta dhibaato iyo fawdo dalkan la galiyo;

Isbahaysiga Mucaaradku waxay Komishanka doorashada ka dalbanayaan inay si dhakhso ah u soo gudbiyaan Jadwal dhamays tiran oo ay ku caddahay wakhtiga doorashadu;

Isbahaysiga Mucaaradku wuxuu uga digayaa Xukumadda inay samayso Abaabul aan loo baahnayn oo aan waxba inna tari Karin, sida ka qorshaysan khamiista ee loogu talo galay in jawaab lagaga bixiyo mawqifka Mucaaradka, haddii taas laga waantoobi waayo waxaa khasab noqonaysa in Mucaaradkuna shacabka ugu baaqo inay u soo baxaan Shaaricyada dalka.

Exit mobile version