WAJAALE NEWS

Xisbiga Kulmiye Iyo Xukuumaddiisa Oo Kulan ay Yeesheen Kadib Soo Saaray Qoddobo La Xidhiidha Cidda Leh Eedda Dib-u-dhaca Doorashooyinka Soo Socda

Hargeysa: (Wajaalenews)-Xisbiga Kulmiye iyo Xukuumaddiisa ayaa Kulan ay maanta ku yeesheen Aqalka Madaxtooyada kasoo saaray Qoddobo dhawr ah oo salka ku haya Diyaargarow ay sheegeen inay xukuumaddu ka samaysay Dhinaca arrimaha Doorashooyinka dalka kusoo socda.

Kulankan oo sida la sheegay ay madaxtooyada ku wehelinayeen Hoggaanka sare ee Xisbiga Kulmiye, ayaa lagu sheegay in Masuuliyadda dibudhac kasta oo ku yimaadda Doorashooyinku aanay lahayn Xukuumaddu, balse ay tahay mid Guddida doorashooyinka yimadaadda.

Sidoo kale waxa qoddobadaas lagu sheegay cidda dalka sii hoggaamin doonta Haddii doorasho dhici weydo oo la tilmaamay inay Xukuumaddan haatan joogta uun tahay.

Qoraalka oo uu ku saxeexnaa Guddoomiye Muuse Biixi, ayaa u dhignaa sidatan:

“Waxa inoo farxada inaan maanta halkan ku kulano oo cidwalba u cadayno mowqifka xisbigeena ee doorashooyinka.

Dimuraadiyadu waji gaar ah ayey u leedahay dal kasta iyo dadkiisa , sababta oo ah waxa ay ka soo dhexbaxdaa habka dhaqan-dhaqaale, diimeed, taariikheed iyo isdhexgalka bulsho ee ummad waliba leedahay.

Kulmiye wuxuu ku dadaalayaa in uu ku dhaqmo tiirarka dimuqraadiyada ee faa iidada inno leh. Laba kamida tiirarkaasi waa:-

In golayaasha qaranka iyo Dawladaha hoose ku yimaadaan xafiiska doorasho xor ah, isla markaana u hogaansanaadaan rabitaanka codbixiyeyaasha

In la helo doorashooyin hufan oo ku qabsooma wakhtigoodii

Hadaba xisbiga iyo xukuumadu, gaar ahaan madaxweynuhu isaga oo arrimahaa ka duulaya waxa wakhtigoodii ku fuliyey hawlihii kaga aadanaa doorashooyinka, kuwaasi oo ahaa sadex qodob.

Dhamaystir sharci

Magacaabida GDQ

Dhaqaale

Intaa waxaa dheer in madaxweynuhu u qoray daneeyayaasha doorashooyinka warqad uu ku muujinayo u diyaargarowga doorashooyinka (latter of commitment) 17/11/2013.

Waxaa hubaal ah in madaxweynaha ka gudbeen qodabadaasi wakhtigoodii, waxaana la ogyahay in ay ku xanibmeen xafiiska gudoomiyaha wakiilada oo isagu qayb wayn ku lahaa fulinta sadexda qodob.

 

Mawqifka kulmiye

In komishanku leeyahay awooda wakhtiga doorashada la qabanayo

In kulmiye uu diyaar u yahay doorashada, galaayana marka komishanku iclaamiyo

Hadii doorashadu dib u dhacdo xisbiyada qaranka laba arrimood oo keliya ayaa la gudboon, kuwaasi oo kala ah.

maxaa innaga khaldamay? iyo sidee ugu fiican ee doorashada u qabsanaa, labadaana waxaa loo raacayaa sharciga, midna waa biyo kama dhibcaan ee ha la ogaado, cidkasta oo dood qabtaa waa in aanay ka bixin xayndaabka sharciga

Hadiii doorashadu wakhtigeedii ku qabsoomiwaydo hawlaha qaranku, waxa ay u soconayaan sidoodii, iyada oo la raacayo sharciga dalka u degen.

Xisbiga kulmiye caad kama saarna in fikradaha iska hor imanaya iyo baanisuhu yihiin dabeecadaha hannaanka xisbiyada badan, hase ahaatee waxa iyana ka mid ah dhaqanka dimuqraadiyadda in isu caqli celin iyo isqancin lagu gaadho talo la isla qaato.

waa taa bisaylka siyaasadeed ee danta guud ku jirtaa, waa aragtida kulmiye ka duulayo ee ku maaraynayo hawlaha qarankan naf iyo maalba loo soo huray .

Muj. Muuse Biixi Cabdi

Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye

Exit mobile version