WAJAALE NEWS

Xiddigaha Geeska oo Macalinkoodii ugu weynaa ee Maxamed Miyir afka ka xidhay markay ku daan-gaadheen

Xiddigaha Geeska oo Macalinkoodii ugu weynaa ee Maxamed Miyir afka ka xidhay markay ku daan-gaadheen
miyir

Hargaysa(W.N): Kooxda xidigaha geeska ayaa noqotay koox iyadu aan guud ahaan iyo gaar ahaan waxba istarin taasi oo ay ugu wacantay maamul xumo iyo godoomiyaha kooxda oo noqdey Fadhiid. Laxamaystihii ugu waynaa kooxdaa ahna Kabanaystihii kaliya ee ay ku horumareen xaga fankoodana iyo shaacbixintaba ka qaatay qofkasta qayb mugle ayaa si cadaana ay kooxdu uga muquuratay kadib markii uu tagay dalka Malaysiya.

xidigaha geeska

Maxamed Miyir oo ah Kabanaystayaasha wakhtigan xaadirka ah ugu waawayn somalilda ayaa mudo laba usbuuc laga joogo howl caafimaad uqaaday wiil yar oo uudhalay oo buka taasi oo howlihiisa caafimaad laysku raacay in bal dalkaa Malaysiya wax lagaga soo Qabto.

Hasa ahaatee kooxda Xidigaha Geeska oo Uu mudo ka tirsanaa ahaana dadka uhagarbaxay inay kooxdu horumar gaadho ayaa si’aan laga filayn xidhiidhkii looga goostay taas oo uu usababyahay maamul xumo iyo Gudoomiyaha kooxda oo aan marnaba xumaan iyo Xaasidnimo mooyee aan waxkale Qaban imikiyo haatana ay kooxdu ku dhowday inay baaba’do. Kooxda waxa Soogala Dakhli wanaagsan oo ay saaxiibkood ku caawinkaraan maadama ay leeyihiin sanduuq lagu ururiyo bandhig faneedyadooda ay qabtaan Balse sanduuqan waxa isticmaala uun shaqsiyaad inta kale kooxdu way kabaahantay oo waa laga dareemaa qaarkood .

Iskusoo wada duuboo kooxda Xiddigaha Geeska ayaa Macalinkooda ugu weyn ee Maxamed Miyir afka ka xidhay markay ku daan-gaadheen oo howshaa caafimaad iyo Caawimo ubaahan ayaa iskadaa waxkaloo ay xidhiidhkii kala bakheyleen kooxdu . Waana waxyaabaha kooxda burburinaaya maadama aanay wax wadaqaybsi iyo iska warhaynitoona Oolin.

Exit mobile version