Salaadiinta Iyo Cuqaasha Oo Ka Kooban Beelaha Somaliland Ayay Tiradoodu Ku Dhawday 2000
Hargeysa(W.N):-Xukuumadda madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa abaabulaysa kulan laysugu keeni doono guud ahaan Salaadiinta iyo Cuqaasha Somaliland.
Warar hor dhac ah oo ka soo baxaaya kulankaas ayaa sheegaya in xukuumaddu ay doonayso inay Salaadiinta iyo Cuqaasha ka codsato in nabadgalayda la’la xoojiyo isla markaasna taageero iyada loo muujiyo, halka xog hoose oo WAJAALE NEWS ay heshay ay intaas ku sii darayso in kulankan loogu diyaar garoobaayo mudo kordhin loo sameeyo xukuumadda madaxweyne Axmed Siilaanyo oo ku jirta dhamaadka mudo xileedkeedii.
Salaadiinta iyo cuqaasha la marti qaadi doono ayaa ku dhaw 2000 oo ka kooban guud ahaan beelaha Somaliland, waxaana kulankan lagu wadaa inuu hudheelka Maansoor uu ka dhaco maalinta Salaasada ah ee fooda inagu soo haysa ee tobanka bishan labaad ee aynu ku jirno.