WAJAALE NEWS

Saamaynta ka dhalatay Haween Sucuudiga loogu xidhay Kaxaynta Gawaadhida oo Toddobaatan Maalmood ka dib la sii-daayey

Waxa kiiskooda loo gudbiyey Maxkamadda Dacwadaha Argaggixisada iyo Xag-jirnimada qaadda

Riyadh, -(Wajaalenews)- Laba Dumar ah oo u ololeynayay in Haweenka dalka Sucuudigu ay xaq u leeyihiin inay Gawaadhida kexeeyaan oo muddo 70 maalmood xidhnaa, ayaa xorriyaddooda dib-u-helay, iyada oo muddadii ay haweenkani xabsiga ku jireen ay ururrada xuquuqal Iinsaanka iyo haweenku ololeyaal ballaadhan u galeen sidii loo sii dayn lahaa.

hambloujain_hathloul_driving oo toddobaatan maalmood ka dib la siidaayeyLojayan Hathloul waa Haweenay 25-jir ah oo u dhalatay Sucuudiga, waana mid ka mid ah labada Gabdhood ee Sucuudiga loogu xidhay wadista Baabuurta, waxaana la xidhay bishii December ee sannadkii 2014, ka dib markii laga qabtay xuduudda dalalka Sucuudiga iyo Isutagga Imaaraatka Carabtu ay wadaagaan, xilligaas oo ay isu diyaarineysay inay jebiso mamnuucidda ah in Dumarka Sucuudiga aanay Gaadhi ku kexeyn karin. Waxay qorsheysay inay isticmaasho liisanka ama ruqsaddeeda dalka Isu-tagga Imaaraatka Carabta, iyada oo arrintaas iyo safarkeeda ay xadka labada dal ka bilawday ku baahisay barta Youtube.

Sidoo kale, Maysaa al-Camudi, oo ah Weriye u dhalatay Sucuudiga, balse ka shaqeysa Imaaraatka Carabta, waxaa iyana la xidhay wakhti ay dooneysay inay qof ay saaxiibbo ahaayeen caawiso. Waxaa markaa sare u kacayay walaaca laga qabo xaaladdooda ka dib markii la sheegay in kiiskooda lagu dhageysanayo Maxkamad ka shaqeysa la-dagaallanka argagixisada.

Lojayan waxa ay taageero badan ku leedahay Shabakadda internetka, gaar ahaan dhallinyarada Sucuudiga oo aad u garanaya waxa ay qorto. Sida Ninka wax ku qorayay bogga blogger ee Raif Badawi oo lagu xukumay kun karbaash, kiiska Lojayan waxa uu u muuqday inuu yahay mid aan laga soo dhaweyn Sucuudiga, iyadoo Boqorka Cusub ee dalkaas Boqor Salman uu xilka la wareegayo.

Haweenkan u dhashay dalka Sucudiiga, ayaa ka mid ah Gabdho u dhaqdhaqaaqa aadna wax uga qora Xuquuqda Haweenka Sucuudiga ee ah inay xaq u leeyihiin inay dalkooda ku dhex kaxaysan karaan Baabuurta, taasoo Boqortooyada Sucuudiguna diiddan tahay. Waana markii ugu horreysay ee sidan oo kale kiiska Haweenka isku daya inay jabiyaan mabnuucidda wadista Gawaadhida ee Sucuudiga loo gudbiyo Maxkamadda dacwadaha la xidhiidha argaggixisada iyo xag-jirnimada.

Exit mobile version